2-aragtiyood oo kusoo kordhay aragti horay loo sheegay inay eersatay Ikraan Tahliil oo haatan la la’yahay bil ku dhowaad (Dilka siyaasiyiin waawayn oo…)

0

(Muqdisho) 19 Luulyo 2021 – Bil ayay kusii dhowdahay markii dad ugu wardambaysey Ikraah Tahliil Faarax oo gurigeeda laga kexeeyey xilli fiid ahaa 26-kii Juun aminta maxalliga ihi markii ay ahayd 20:03, taasoo aan kaddib il la saarin, iyadoo ay faruhu ku godan yihiin Hay’adda NISA oo ay ka tirsanayd.

Waxyaabaha shakiga sii kordhinaya ayaa ah inay gabadhu ku sugnayd meel amaankeeda si aad ah loo ilaaliyo iyo in aamuska dhega barjayska ah ee isla Hay’adda NISA oo aan kiiskan wax wacaal ah kasoo saarin, taasoo ah hab-dhaqan aan ku wanaagsanayn dal doonaya nidaam ku dhisan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

Awal waxaa horay u jirtey aragti uu ka dhawaajiyey Taliyihii hore ee NISA, Md Sanbaloolshe oo ahayd in gabadhan 23-jirka ihi ay sababsatay haynta xog ku saabsan liiska ciidan ay kaliya ogtahay NISA oo ilaa haatan muran ka taagan yahay oo loo qaaday dalka Eritrea.

Balse haatan waxaa kusoo korortay in ay Ikraan sidoo kale gacanta ku haysey kiiska qaraxii laga fuliyey Xarunta Gobolka Banaadir ee ay ku dhinteen madax badan oo uu ka mid ahaa Inj. Cabduraxmaan Yariisow (AUN), Guddoonkii hore ee Gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo soo baxday aragti 3-aad oo sheegaysa in ay dhici karto in gabadha dibedda loogu qaaday tababar qarsoodi ah, balse ma aha aragti xooggan, waayo haddii uu ujeedku yahay wax qarin waxaa ugu yaraan la wargelin lahaa qoyskeeda, si aysan u dhicin inay iyagu walwalaan ama warbaahinta gaarsiiyaan maqnaanshiyaha gabadha.

Ikraan ayaa la sheegay in ay gurigeeda ka qaadeen howlwadeenno ka tirsan NISA iyadoo uu Agaasime Xigeenkii hore ee NISA sheegay in markii xarunta Godka Jilacow la geliyey ay kaliya kasoo baxday Aambalaas u dhaqaaqday bannaanka magaalada.

Welise xog sugan oo madax bannaan lama hayo, iyadoo ay arrintani sii dilayso sumcadda iyo kalsoonida lagu qabo nidaamka haatan jira oo dabci ka dhigta in wax kasta laga aamuso taasoo keenta inay umuuro badan kala raystaan.

Hadalsame Media