”Netanyahu masoo geli karo xafiiskayga!” – Wasiirkii Maraykanka ahaa ee Israel ka diidey wax ay madaxwaynayaal ka diidi waayeen

0

(Washington, DC) 18 Luulyo 2021 – Baker iyo Bush waxay ahayaayeen ddkii ugu dambeeyey ee ku socda siyaasadda realism kahor intii aanay masraxa la wareegin Muxaafidiinta Cusub ee ku ciyaara muusigga Sahyuuniyadda ee Jamhuuriga iyo Dimowraadiyiinta ku mar marsooda ”faragelinta xuquuqda aadamaha”.

Buugga The Man Who Ran Washington wuxuu daboolayaa arrimaha Bariga Dhexe, oo uu ku jiro Dagaalkii 1-aad ee Khaliijka, sidoo kale burburkii Midowgii Soofiyeeti iyo xiriirka Israel iyo Maraykanka sida uu u maareeyey James Baker.

Netanyahu oo la ciqaabay

Baker wuxuu ugu darnaa Benjamin Netanyahu si aanay marna ku dhicin MW Clinton iyo Obama. Netanyahu, wuxuu xilligaa ahaa Wasiir Xigeen Dibedda ee Israel, isagoo Maraykanka ku tilmaamay mid aan “war u haynin xaaladda Falastiin ee iska qaata wixii loo shegeo,” mar uu Netanyahu saxaafadda la hadlay.

The Man Who Ran Washington

Baker oo Wasiir Dibadeedka Maraykanka u ahaa maamulkii Bush-ka wayn, ayaa shaqaalah Wasaaradda ku armay inaysan albaabka kasoo daynin Netanyahu. Dennis Ross, oo Baker kaaliye u ahaa ayaa xitaa go’aankaa ku sheegay ciqaab yara adag, balse Baker “inta dhoollacadeeyey ayuu yiri may”.

Waloow uu markii dambe woxoogaa dabcan oo uu ogolaaday in Netanyahu xarunta soo galo oo laakiin la kulmo howlwadeennada hoose balse aanu isagu marna arki doonin intii uu xafiiska joogey oo dhan.

Baker iyo Bush waxay sidoo kale aad u diidi jireen mashaariicda uu Maraykanku maalgeliyo ee ay Yuhuuddu ku dhisanayso degaamada ay ka dhacdo Falastiiniyiinta.

Markii uu Yitzhak Shamir, oo ahaa RW Israel, wuxuu  Maraykanka waydiistey in la siiyo lacag amaah ah oo gaaraysa $10bilyan oo doollar 1991-kii, si loogu caawiyo mowjado qaxooti Yuhuud ah oo kasoo jabay Soofiyeetkii burburay, si ay u dejiyaan Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, markale ayuu Wasiir Baker wuxuu Bush ka raaridey inuu dib u dhigo lacagtaas.

Halkan ka akhri warbixinta…

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media