“Ma jiri doonto waan waan dambe!” – RW Itoobiya oo dagaal hor leh iclaamiyey

0

(Addis Ababa) 18 Luulyo 2021 – DF Itoobiya ayaa markale ku dhawaaqday dagaal furan oo ka dhan kooxda TPL ee dhowaan qabsatay qaybo ka tirsan Gobolka Tigraay.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa goordhow ku dhawaaqay in mar kale lagu qaadayo guluf dagaal kooxda TPLF.

RW Abiy ayaa dagaalkan kaga dhawaaqay kulan uu la qaatay saraakiisha ugu sarreeysa Ciidamadda Xoogga DF itoobiya.

Waxaa sidoo kale xadka Gobolka woqooyi ee Tigraay gaarey Ciidamo huwan ah oo ka socda Maamul-Goboleedyadda Itoobiya oo caawinaya DF.

Abiy Ahmed wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka iyo diblumaasiyiinta dalkiisa ku sugan inay tageeraan howlgalkaan oo uu ugu yeeray “Sareynta Sharciga” isagoo ballan qaaday in aan dib looga hakanin ciribtirka kooxda TPLF oo aanay jiri doonin waanwaan dambe ilaa laga soo  laga takhallusayo kooxda TPLF.

DF ayaa sidoo kale dadwaynaha ugu baaqday inay iska qoraan xarumaha Ciidamada Xoogga iyagoo la imaanaya arji codsi ah, sawir teesaro ah iyo inay leeyihiin aqoon dugsi sare ama jaamacad gaarsiisan.

RW Abiy ayaa horay bishii Nofeembar dagaalkan oo kale ah u iclaamiyey balse maalin dhowayd xabbad joojin hal gees ah, walow ay Tigreegu sheegeen inay dagaalka sii wadayaan.

Hadalsame Media