Leo Messi oo rikoodh cusub ka dhigay barta Instagram

0

(Hadalsame) 19 Luulyo 2021 – Laacibka Leo Messi ayaa dhowaan markii taariikhda ugu horreeysey ku guulaystey koob caalami ah.

Messi ayaa dalkiisa Argentina markii 15-aad u qaaday koobka Latin America oo ay dhamaadkii 1-0 direen dalka Brazil oo tartanka marti geliyey.

Yeelkeede, Messia ayaa rikoodh cusub ka dhigay dunida isagoo sameeyey post-gii ugu like-ta badnaa.

Waxaa qoraal iyo sawir ku saabsanaa guusha aannu soo sheegnay u riyaaqay dad ka badan 20milyan oo taageere.

Hadalsame Media