Karaantiilka UK oo laga sheegtay (Arrin weriye caan ah oo Soomaali ah)

0

(London) 18 Luulyo 2021 – Weriye Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa ka sheegtay dhibaato ka taagan karaantiilka UK oo la dhaafay waqtigii loogu tala galay.

UK oo horay uga baxday EU ayaa haatan ka xanniban inta badan dalalkaasi kaddib markii lagu daray “liiska cas”, cudurka Covid qaybtiisa Hindiya oo ku faaftay dartii.

Ridwaan oo markii uu soo guryo noqday kaddib la tallaalay ayaa wuxuu yiri:

MAALMO DHEERI AH: 12 habeen ayaan ku suganahay Crown Plaza Kings Cross – sida sharciga ah waa 10 maalmood in qof kasta lagu karantiilo hotel haddii uu ka yimaado ‘red list countries’

Nasiib darro walina ma helin natiijadii 2-aad iyo mid 3-aad oo la iga qaaday ee xanuunka COVID-19.

Markii aan wacay lambarka 119 ee waaxda caafimaadka ee dalka Britain ee loo yaqaano NHS waxey ii sheegeen in baaris culus ay ku hayaan natiijada rasmiga ah oo suuragal ay tahay in ay luntay.

Britain waxaa kusoo laba kacleeyay xanuunka, waxaana laga yabaa in shaqaalaha caafimaadku ay ka gaabin karaan shaqadoodii haddii mashquulku bato.

Maalmo kale oo dheeraad ah ayaan kusii nagaanayaa isla hotelka hadduu Alle idmo.

Allaha sahlo umuuraha.

Hadalsame Media