Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo qabsaday magaalo kale oo istaraatiji ah

0

(Hadalsame) 18 Luulyo 2021 – Ciidamo ka tirsan DF Somalia iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa goor dhowayd la wareegey degaanka Camaara oo ay in muddo ah gacanta ku hayeen xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamadan oo ka kala tirsan Qaybta 21-aad, kuwa gaarka ah ee Gor Gor iyo Daraawiishka Galmudug, ayaa lagu soo waramayaa inay dagaal kooban la galeen Al-Shabaab, waxaana, kaddib u suuragashay inay qabsadaan Camaara oo ku taalla meel istaraatiiji ah.

Ciidamada aaggaa qabsaday ayaa dhufaysyo cusub ka samaystay halkaasi, iyagoo wada dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo guluf ka wadda koonfurta Mudug iyo woqooyiga Galguduud.

Xaaladda degaanka ayaan xasilloonayn iyadoo ay dhici karaan dagaallo kale iyadoo shalaytoole ay ciidamadani sidoo kale qabsadeen degaanka Bacaadwayn.

Hadalsame Media