”Waxaan ku hareereeysan nahay 60 dagaalyahan oo Al Shabaab ah” – Maamulka Galmudug

0

(Dhuusamareeb) 16 Luulyo 2021 – Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ku hareeraysan yihiin dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo aad u fara badan, iyaga oo kaashanaya kuwa DF Somalia.

”Ciidamada sooma-jeestayaasha huwanta ah ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa in ay isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga takhaluso,” ayay warkooda ku bilaabeen.

”Aagagga kala duwan ee ciidamada huwanta ahi ay ka hawlgalayaan ayaa laga soo hooyay guulo wax ku ool ayadoo kooxda argagixisada alshabaab uu soo gaaray khasaaro xooggan iyo kala firxad.

”Wasiirka Amniga Md. Axmed Fiqi, taliyaha ciidamada lugta ah Gen. Biixi, taliyaasha ciidamada Qeybta 21aad ee XDS, NISA, Gorgor, Danab iyo daraawiishta ayaa dagaalka hogaaminaya ayadoo Madaxweyne Qoorqoor uu qolka hawlgelinta ka hagayo hawlgalkan.” ayay daba dhigeen.

Ma jiraan ilo kale oo bixiyey xog intaa dhaafsiisan.

Hadalsame Media

Facebook Comments