MUQDISHO: Maxaa kala qabsaday nin ay tuugo usoo dhacday & Booliiskii uu u dacwoodey (Dhacdo murugo badan)

0

(Muqdisho) 16 Luulyo 2021 – Waxaa marar badan dhacda maamul iyo nidaam xumo laga sheegto hay’aadka DF iyo kuwa Maamul-goboleedyada oo xadgudubyo iyo takrifal awoodeed u gaysta dadwaynaha.

Waxaa tusaale fiican u ah sheekadan oo uu dhacdo Muqdisho ka dhacday uu ka qoray Xuseen Sabriye oo ka mid ah dhallinyarada wax ka qorta dhacdooyin-maalmeedyada Muqdisho.

Wuxuu ku bilaabay sidan:

Tuugo hubeysan ayaa habeenkii guriga ugu soo dhacday. 3 moobeel iyo 2 Laptop ayayna ka qaateen. Aroortii ayuu saldhigga tegay. Waan ka xunnahay in lagu dhacay ayayna ku soo dhaheen.

Farsamayaqaanno ayuu soo watay si ay gurigiisa ugu dhejiyaan biraha tuugada looga gaashaanto. Markii ay shaqadii billaabeen ayaa waxaa u yimid askarta degmada, waxayna ka qaateen mashiinkii alxanka. Maxaad boono nooga jaran waysay in aad guriga bir-tuug ku xiranayso ayaa loo qabsaday, isjiijiid dheer ka dibna waxay ka qaateen $120.

Xamar haddii lagu dhacayo ma heleysid askar kuu gurmato, balse haddii aad isku tashado oo bir-tuug guriga ku xiro isdhahdid waxaa kuu imaanaya askarta degmada oo shaafto kaa rabto. Tolow askarta noo imaanaysa marka guryaha bir-tuug noogula xirayo halkee jiraan marka nala dhacayo?

Halkan waxaa ka muuqata in qofkaa shacbiga ah laga qaaday lacag xaq darro ah, marka lagaba soo tago in amaankiisii la dayacay markii la dhacayna aan wax looga qabanin, misna in qofkii gurigiisa wax ku dhejinaya in lacag laga qaado waa nidaam baad ah wax dunida ka shaqeeyana ma aha, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan nidaamyada dimoqraadiga ah.

Markii aad eegto dhibka haysata qofkan shacabka ah waxaa cadaanaysa inuu ninkani dhexda uga jiro tuuggii dhacay iyo burcad, waxaase muhim ah in la ogaado inay DF oo aan dadka wax adeeg ah u qabanin ay waxaas iyadu dejisey oo raalli ka tahay iyo in kale.

Hadalsame Media