Itoobiya oo dib ugu laabatay marxaladdii Minilik II kahor & 4 arrimood oo Soomaalida dani ugu jirto oo ka dhashay kacdoonka Oromada

0

(Hadalsame) 16 Luulyo 2021 – Wax alla waxii Itoobbiya ka dhacay la ga soo bilaabo sannadkii 2018 wax ay ahaayeen guusha iyo badbaadada Soomaalida, maanta iyo mustaqbalkaba, Soomaalida Itoobbiya iyo ta kaleba. Waxaa la dhihi karaa xaaladda siyaasadeed ee Itoobbiya wax ay dib u gu noqotay Boqor Minilik II hortii, midnimada qoomiyaduhu weli haba sii jirtee.

1. Baraaruggii iyo kacdoonkii weynaa ee Oromadu wax uu soo afjaray qarniyo addoonsi iyo gumaysi qoomiyadeed ahaa, waxaana markii kowaad abidkood reer Itoobbiya u bidhaamay iftiinka xorriyadda iyo sinnaanta.

2. Waxaa jabay ciidan ahaan, siyaasad ahaan iyo nafsiyad ahaanba, labadii qolo ee sababay in qoomiyaduhu is addoonsadaan, waa Amxaaro iyo Tigraay e.

3. Colaadda saddex-geesoodka ah ee Oromo-Amxaara-Tigraay wax ay fursad u tahay Soomaalida oo hore u jabtay, kaalin fiican bayna imika ka dib ku yeelan kartaa loollanka awoodeed ee dalkaa.

4. U gu dambayn waxaa muddo aad u dheer markii kowaad faragelinta millateri iyo siyaasadeed ee Itoobbiya ka nasatay Soomaalida xorta ah.

Soo rogaalcelintii kedisaday ahayd ee Tigraayga maalintii wax aan ku macneeyay tallaabo ogaan ah oo Abiy Axmed u gu talagalay in ay ku soo noqdaan dhulkoodii si wadahadal nabadeed u furmo. Hayeeshee waxaa muuqata in ay Tigraaygu fursaddaa si xun u ga faa’iidaysteen, waa haddii malaheennu run ahaaye.

Waa mar ee xabbad joojintii waa ay diideen. Marka labaad dembiyo dagaal bay ka geysteen dhulkii ay dib u qabsadeen. Marka saddexaad wax ay weerareen oo dib u qabsadeen degaannadii Amxaarada ee ay haysan jireen laakiin la ga xoreeyay. Arrimahaa wax ay ku waayeen arxankii (embathy) dunidu u muujisay, waxaa cudurdaar weyn loo helay dagaalkooda, wax ayna taasi mar kale ku kicisay qoomiyadihii oo dhan.

Tigraaygii maanta xaalkoodu aad buu u liitaa, sidoo kale wax uu dhaawac aad u weyni gaadhay Amxaarada iyo ciidanka qaranka labadaba, waana wax loo baahnaa si qoomiyadaha Itoobbiya nabad iyo sinnaan u gu wada noolaadaan ama u ka la xoroobaan.

Mar kale waan bogaadinayaa go’aanka Dawlad Degaanka Soomaalidu dagaalka ka ga qayb galayso.

Waxaa Qoray: Ibraahin-Hawd Yuusuf

Hadalsame Media