Ciyaar aan ahayn tii aad daawanaysey oo galabta ka socotey garoonka Istaadiyo Muqdisho

0

(Muqdisho) 16 Luulyo 2021 – Waxay ahayd Jimce aan hurdada ku daahay ayaan markii aan kacayba isku diyaariyay sidii aan salaadda qudbo kadibba usii xaadiri lahaa garoonka Muqdisho Stadium oo ay ka dhacaysay ciyaar xiiso badan oo go’aamineysay horyaalka Soomaaliya si aanan boos aan fadhiisto uga waayin.

Markii aan soo dhaqaaqay oo aan kusoo dhacay wadada Wadnaha waxaan durbo arkayay taageerayaal labada naadi ah oo aniga cml usii socda garoonka oo lawada filayo inuu buuxsami doono, xalka ugu dhowna uu yahay in xilli hore boos lasii qabsado, waxaan markan ka leexanay isgoyska Cali Kamiin cagtana saarnay wadada gasha garoonka, waddada labadeeda dhinac waxaa socda dadweynaha oo usii kala ordaya garoonka,walow gawaarida iyo bajaajtaba lagu celinayay afaafka hore ee xarunta Xisbiga ayaan usii gudubnay gudaha, dadweynaha aad ayay u fara badanyihiin qaar ayaa taagan iridda VIP oo ay rabaan in ay ka galaan, walow dadka dhan aan loo ogoleyn, waxaanba iska xaadirinay qeybaha kale ee garoonka, inkastoo bilowga ciyaarta ay ka dhiman tahay qiyaastii 1 saac hadane garoonka 4 meelood 3 meel ( 4/3) ayaa buuxa, ciyaartoyda labada naadi ayaa ku jira is kululeyntii u dambeysay kahor bilowga ciyaarta, marba naadi ayaa taageerayaasheeda ka helaya sacab dhiiri gelin ah, si ay guusha iyo dhibcaha u soo hoyaan.

Ciyaarta ayaa markaan bilaabanaysa, labada naadi ayaa soo safay laacibiintoodii ugu fiicnaa ay heli kareen, kuna habboonaa ciyaartan oo kale, safka Horseed waxaa hoggaaminaya kubad qaabeeyaha weyn ee Qubaaye oo ay ku lamaanan yihiin xiddiga gooldhalinta iyo caawintaba isla hoggaaminaya ee Farxan Xidig iyo farshaxamiistaha la loodin la’yahay ee Ibrahim Ilyas, dhanka MCC walow aysan heysan farsama yaqaankooda Feysal Xaashi hadane waxaa hor boodaya xirfadlahooda lagu raaxeysto kubaddiisa ee Cabdicasiis Catoosh oo uu dhinaciisa buuxinayo Xasan Santos, gadaalna uu ka taaganyahay joog dheerahooda Cali Yare , ciyaarta miisaanka adag waxaa loo doortay inuu dhex dhexaadiyo garsoore Maxamad Soomaali, taageerayaasha iyagu maba joojiyaan sacabka oo marba kooxdii fursad abuurto ayaa loo kacaa, garoonka dhanna isla gariiraa, si la mid ah marka uu laacib farsamo fiican sameeyo ama baas cajiiba uu dhiibo.

Garoonka oo lagu sheegay inuu qaado tiro gaareysa 65.000 oo qof ayaa maanta si aan weli hore u dhicin u buuxsamay, waxa kaliya oo aad arki kartana waa madax madow un, waa markii uu Shiiqaaloow dhihi jiray “Ushii la tuuraba dhulka ma dhacdo oo qofbay kudhacdaa”, dhinacayga waxaa fadhiyo Saadaq Maxamuud iyo Mahmoud Owen korkeena waxaa iyagana fadhiyo Mohamed Abdirahman (Young Moha) iyo Abdiasis Gure oo aan isla wada taageerayno Horseed marka laga reebo Young Moha oo MCC ah, waxa xamaasadda usii yeelaya ciyaarta ayaa ah marka wiil yar oo dhalinyaro ah uu soo hor maro taageerayaasha kadibna uu sawaxan iyo sacab garoonka is qabsado, markii aad tiraahdo wiilkaan xilkee ayuu haayaa sidaa loogu kacay?

Si fudud laguu dhaho waa Madaxweynaha Tik Tok, ee markii uu baxo uu hadane garoonka soo galo oo taageerayaashana soo hor maro wiil kale oo sidii si ka daran loogu sacbiyo markaasna aad tiraahdo kanne waa madaxweynahee? Ee lagu yiraahdo waa fannaan, oo aad niyadda iska dhahdo malaha waa Axmed Cali Cigaal ama Xasan Adan Samatar oo si aadan ogeyn garoonka ku yimid, intaadan hadlinba laguu sii raaciyo waa fannaankii qaaday heesta “Maqaayaddaada ka dhex qadeyna” intaa qosolka ku maqnaydna markaan shaashad weyn oo uu garoonka leeyahay uu kasoo dhex muuqdo sawirka Madweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo markaasna sawaxinkii iyo sacabkii sii laba jibbaarmay.

Xamaasadda kuma ekeyn un sawaxanka taageerayaasha, sidoo kale gudaha garoonka waxaa ka socotay ciyaar ka duwan ciyaaraha kale, waxaa lasoo bandhigayaa kubad madadaalo u ahayd dhammaan mucaashaqiinta kubadda cagta ee garoonka soo buuxiyay iyo inta ka maqan ee shaashadaha kala socdo, kubad ku dhisan farsamo iyo xirfad, kudhisan dagaal aan kubadda dhaafsiisnayn ayna la socoto ciyaar wanaag iyo xushmad ay laacibiintu isku muujinayaan marka ay si aan ula kac ahayn lugtoodu isku gaarto ayaa maaweelo u ahayd dadweynaha buux dhaafiyay garoonka.

Naadi walbana wuxuu ku hamminayaa inuu guusha helo si uu kali ugu hoggaanka horyaalka isla markaasna ugu sii dhowaado hanashada koobka, haddii ay ugu yaraatana aysan dhibic la’aan bixin.

Waxay ciyaarta socotaba garsoore Maxamad Soomaali ayaa seeriga ciyaarta ka dhawaajiyay, iyadoo labada naadi aysan wax gool ah iska dhalin (0-0) halkaasna ay dhibcaha ku kala qaateen, walow aysan ahayn wax sahlan in la xakameeyo dad gaari kara 50.000 hadane waxaa ammaan mudan ciidanka oo intii awooddooda ah la tacaalay in ay xakameeyaan taageerayaasha iyo habsami socodka ciyaarta, waxaa kale oo wax lagu farxo ah in tirada dadka intaas la’eg ay si aan cabsi ku jirin ugu soo daawasho tageen garoonka isla markaasna aysan wax wel wel ah ka qabin in ay nabad ku tagi karaan guryahooda.

Bahda ciyaaraha Muqdisho waxay markale muujiyeen sida ay u jecelyihiin kubadda cagta, taas oo ah nabad, jeceyl iyo xushmad, ahna waxa kaliya ee bulshada isku heyn kara. Dhinaca kale nadigeyga Elman waxaan u rajaynayaa in ay guul ka gaarto dhiggeeda Jeenyo kulanka ugu dambeeyo horyaalka.

Waxaan ku faraxsan ahay in ay goob joog ka ahaa taariikh cusub oo ku qormatay buugga ciyaaraha dalka.

FORZA SOMALIA🇸🇴

Waxaa Qoray: Ibraahim Xasan (Ibroos)

Hadalsame Media