Shirkadda Ethiopian Airlines oo Muqdisho & Garoowe ku dartay Somaliland (Arag caddaynta)

0

(Addis Ababa) 15 Luulyo 2021 – Sharikadda Ethiopian Airlines oo Somalia ka tagta ilaa 3 magaalo ayaa waxaa muuqata arrin muran dhalisay oo ku saabsan magaca la siiyey magaalooyinkaas.

Shirkadda oo tagta magaalooyinka Muqdisho, Hargaysa iyo Garoowe ayaa wixiiba siisay magaca Somaliland sida ka muuqata webka tikitka online-ka ah laga jarto ee shirkadda.

Siyaasiga Cali Warsame ayaa is waydiiyey in ay arrintani tahay cillad farsamo iyo inay jirto istaraatijiyad kale oo dadka ka dahsoon.

Si kastaba, weli wax war ihi kama soo bixin shirkadda Ethiopian Airlines oo ka mid ah kuwa caalamka ugu ballaaran.

Hadalsame Media