”Midna waa nacas midna caadi ma aha!” – Perez oo sidoo kale qaniiney Ronaldo iyo Mourinho

0

(Madrid) 14 Luulyo 2021 – Guddoonka Real Madrid ee Florentino Perez ayaa Cristiano Ronaldo “doqon” ku sheegay isagoo Jose Mourinho ku tilmaamay mid “aan caadi ahayn” sida laga maqlayo cod laga duubay 2012-kii.

Labada nin ee reer Portuguese ayaa xilligaa ku wada sugnaa Real Madrid markaasoo uu Perez markii 2-aad Gudodomiye u ahaa kooxda, iyadoo horay loo baahiyey cod uu ku maagayo IIker Casillas iyo Raul Gonzalez 24 saacadood kahor, kaasoo ahaa 2006dii.

“Waa waalan yahay,” ayuu leeyahay Perez oo ka hadlaya Ronaldo sida laga maqlayo cod uu sii daayey El Confidencial. “Wiilkani waa nacas, waa jirran yahay.” ayuu raacinayaa.

“Ma waxay kula tahay inuu caadi yahay. Caadi ma aha, haddii kale ma samayn lahayn waxyaabaha uu sameeyo ee la wada arkay?” ayuu is waydiiyey, isagoo xitaa weeraray wakiilka Jorge Mendes, oo metela Mourinho iyo Ronaldo oo uu ku tilmaamay niman suuraha laga badiyey.

“Isaga iyo macallinku xaqiiqada ma arkaan maxaa yeelay lacago badan ayay kasbadaan, waa dad aan caadi ahayn waxayna leeyihiin dabci sirgaxan oo uu qof kasta neceb yahay.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media