”Ikraan waxaa khaarajisey NISA!” – Agaasime Xigeenkii hore ee NISA oo weji cusub u yeelay sheekada gabar la la’yahay

0

(Muqdisho) 15 Luulyo 2021 – Jen. Cabdalla Cabdalla oo horay uga tirsanaa hay’adda Nabad Sugidda NISA ayaa sheegay in la khaarajiyey gabar la yiraahdo Ikraan Tahliil Faarax, saacado yar uun kaddib markii gurigeeda laga soo waday, sida lagu qoray Garoowe Online.

Cabdalla ayaa sida muuqata sheekada siiyey weji cusub isagoo tilmaamay in la diley Ikraan oo 24-jir ahayd kana tirsanayd isla NISA isla markii laga soo kexeeyey gurigeeda oo ku yaalla meel amaankeeda aad loo ilaaliyo 26-kii Juun.

Jeneraalka oo Agaasime Xigeen kasoo noqday NISA ayaa intaa raaciyey in gabadha si qarsoodi ah loogu aasay qabri ku yaalla magaalada Muqdisho, waloow uusan keenin caddaymo loo qaateen ah.

Wuxuu soo gudbiyey muuqaal CCTV ah oo uu sheegay inuu muujinayo gabadha oo ku takhasustay dembiyada internet-ka (Cybercrime) oo laga kexeeynayo gurigeeda oo u dhow Xarunta NISA ee Godka Jilacow oo argagixisada lagu hayo.

Waxaa loo jeedi karaa gaari Xaajiyad ah (Yoyota Hilux) oo guriga bannaankiisa istaagaysa muddo 5 daqiiqadood ah, balse dadkii saarnaa si fiican looguma jeedi karo muuqaalka oo liita dartii. Saacaddu waxay tilmaamaysey 20:01.

Gabadha oo la sheegay inay aad ugu dhowayd Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, ayaa koorsooyin kusoo qaadatay dalka UK.

Qoyska gabadha sida hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa dalbanaya in laga caawiyo helitaanka gabadhooda, iyadoo aanay arrintan ilaa haatan ka hadal hay’adda NISA oo tan iyo intii uu xilka la wareegey Fahad oo olog dhow la ah MW Farmaajo lagu eedeeyo ku takrifal awoodeed iyo cabsi gelin.

Hadalsame Media