Markab ku xirnaa magaalada Berbera oo halkaa ka goostay iyo sababta

0

(Berbera) 14 Luulyo 2021 – Wararka ka imanaya magaalada Berbera ayaa sheegaya in markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah oo halkaa muddo ku xirnaa uu haatan ka goostay, tiiyoo aan laga dejin badeecadii uu sidey.

Sida ay sheegayaan dad ku dhow dhow Dekedda Berbera sababta uu markabku u goostay ayaa lagu micneeyey khilaaf soo kala dhex galay nin markabka wakiilka ka ahaa oo ku nool dalka Imaaraadka Carabta iyo dadkii markabka wadey.

Markabkan ayaa la sheegayaa inuu sidey agab qiime ahaan ku kacaya 5 milyan oo doollar, kaasoo u badan alaabooyinka ciidda loo adeegsato xilli ay foodda inagu soo haysto Ciidda Wayn ee Al Adxaa.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ay ganacsatadii uu u rarnaa ay markabka raacdaynayso, iyadoo aan la ogayn inuu dib ugu laabanayo Imaaraadka oo badeecada looga soo rogey iyo inuu ku xiranayo deked kale oo ku taalla Somalia.

Hadalsame Media