Ruushka oo Safaaradda Maraykanka ku qabtay fal ”kharbudaad” (Muuqaal laga duubay min bilow ilaa dhamaad)

0

(Moscow) 13 Luulyo 2021 – Wasaarad Dibadeedka Ruushka ayaa daboolka ka qaadday in qof ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee Moscow uu yahay midka ka dambeeyey xaditaanka astaan ku dheganayd dhabbe-bireed ay tareennadu maraan.

Falkan ayaa sanadkii tegey ka dhacay gobolka Tver ee dalka Ruushka, wax lagu sheegay olole u eg midka aflaamta 007 oo aan ujeedkiisa weli la caddaynin, waloow loo fahmey mid kharbudaad ah oo shil dhalin kara.

Yeelkeede, Ruushka ayaa soo bandhigay muuqaal ay sheegeen inay ka duubeen falka dhacay min bilow ilaa dhamaad.

Ninka falkan ka dambeeyey ayaa la sheegayaa inay markii dambe qabteen Ciidanka Booliisku, balse lasii daayey maadaama uu leeyahay xasaanad diblomaasiyadeed.

Hadalsame Media