Faa’iidada iyo nashaadka bulsho ee ku jira ciyaaraha kubadda cagta (Waa dagaalkii oo la caqliyeeyey)

0

(Hadalsame) 12 Luulyo 2021 – Waa maxay macnaha ciyaarta kubbaddu?

Maxay milyaaraad bani aadan ah waxaas oo qiimi ah u gu lee dahay ciyaarta kubbaddu? Maxay ummad dhani kubbad shebeg gashay u gu wada ooydaa farxad ama u wada murugootaa? Maxay dawladuhu u siiyaan waxaas oo muhimmad ah? Maxay u xamaasad iyo xanuun badan tahay kolka ay wada ciyaarayaan qaramada iyo magaalooyinku?

Waxtar aad u badan baa dadka u gu jira guud ahaan isboortiga. In la jeclaado oo la daawado oo la ciyaaro, siiba carruurta iyo dhallinyaradu, waxaa la ga helaa caafimaad jidheed, akhlaaqeed iyo tarbiyadeed.

Adkaysiga iyo dulqaadka ayaa la gu bartaa. Balwadaha ayaa la ga ga fogaadaa, bulshaynta iyo dad la dhaqanka waa la gu bartaa, wada shaqaynta iyo kooxnimada waa loo gu laylyamaa, kelinnimada iyo cidladana waa la ga ga baxaa… Laakiin mid intaaba ka muhiimsan baa jirta. Waa dagaal.

Haa, dabciga dadka ee cadawnimada iyo dagaal jacaylka ah ayay isboortiga iyo tartannada la midka ahi mashquuliyaan oo dareenkooda ku faaruqiyaan dagaal nabadeed. Halkaas bay dadku ku shubaan cadawnimadii ay dhab u dagaallami lahaayeen. Tusaale ahaan caawa dagaal weyn baa dhacay oo dhex maray laba quwadood oo waaweyn, kuwaas oo dagaal dhexdooda ah ay u gu dambaysay 80 sano.

Waa Talyaani iyo Ingiriis. Maalmo badan bay labada ummadood dagaalkan u soo diyaar garoobayeen, oo isu soo hub iyo ciidan urursadeen. Warbaahinta ayaa ahayd abbaanduulayaasha dagaalka, ciidanka dirirayaana waa ciyaartoyda, shucuubtuna wax ay ku taageereen hiil iyo hoo nafhurid ah.

Dadka kale ee duniduna labada qolo ayay la ka la jireen, sababo isir, mid dhaqan, mid siyaasadeed iyo xigtaysi kale ka ay ahaataba. Dagaalkii waxaa ku adkaaday Talyaani, Ingiriiskuna wax ay qirteen in ay jabeen. Ummad jabtay iyo ummad guulaysatay baa la noqday caawa.

Qolo libinta ayay u dabbaaldegaysaa, qolada kalena ciil bay dibnaha ruugaysaa goor ay aarsataba. Laakiin naf keli ahi ma go’in, dhibic dhiig ahi dhulka u ma dhicin, waxna ma dumin. Haddana dadku wax ay u eg yihiin in ay dagaal la gu ba’ay ka soo baxeen. Waa ay wada daallan yihiin.

Sidaas buu ku baaqanayaa dagaalkii dhabta ahaa ee ku jiray abuurta cadawga ah ee dadku, waana waxtarka u gu weyn ee isboortiga iyo guud ahaan tartanka.

Dadkeennu in ay joogto isu laayaan iyo in ay argagixisada galaan oo dagaallamaan waxaa qayb weyn ku leh danayn la’aanta tartannada isboortiga.

Waxaa Qoray: Ibraahim-hawd Yuusuf

Hadalsame Media