RW Rooble oo muujiyey go’aanka uu ka qaatay cidda maamulaysa doorashada Garbahaarreey (Tillaabada u xigta)

0

(Kismaayo) 10 Luulyo 2021 – RW Maxamed Xuseen Rooble oo soo afjaray booqasho uu maalmahan ku joogey magaalada Kismaayo ayaa bayaaniyey qodob muhim ah.

Halkan ka DAAWO…

Arrintaa ayaa ku saabsan cidda maamulaysa doorashada ka qabsoomaysa magaalada Garbahaarreey ee xarunta Gobolka Gedo oo horay loogu muransanaa.

Wuxuu RW Rooble caddeeyey in ay Jubaland maamulayso doorashada Garbahaarreey isaguna uu kula xisaabtamayo habsami socodkeeda.

Wuxuu kaloo sheegay in uu aaday8 Garbahaarreey kaddibna uu booqasho ku tegayo dhamaanba magaalooyinka ay doorashadu ka dhacayso ee laga asteeyey Maamul-goboleedyada kale ee haatan jira.

Hadalsame Media