”Mancini-yow na badbaadi… Waxaad tahay rajadeenna ugu dambaysa!” – Saxaafadda Scotland oo baaq dirtay (Garsoorihii Denmark rigooraha ku rajaxey oo markale VAR fariisan doona)

0

(London) 10 Luulyo 2021 – England ayaa soo afjari karta 55-sanadood oo ay sugaysey qaadista koob caalami ah marka ay berri Talyaaniga kula kulmaan dhamaadka Euro 2020 oo weliba gurigooda lagu ciyaari doono.

Wiilasha Gareth Southgate ayay halkaa ciyaar oo ay badiyaan waxay ka xigtaa inay abaartaa guuleed ee dabadha dheer soo afjaraan, yeelkeede, reer Scotland ayaa muujiyey inaysan arrintaa ku faraxsanayn, iyagoo u gacan haadiyey Xulka Talyaaniga.

Image: PA
Sawir: PA

Gaar ahaan, warqaadka Scottish-ka ah ee The National oo arrimaha maadda ah wax ka qora ayaa boggiisa hore ee caddadkii maanta oo Sabti ah ku qoray sidatan:

Macallinka Talyaaniga ee Roberto Mancini ayuu u muujiyey William Wallace ahaan kaasoo uu saaray wejiga hore isagoo ku dul qoray kabshan u dhigan: “Na badbaadi Roberto, waxaad tahay rajadeenna ugu dambaysa. Uma dulqaadan karno 55 sano oo kale oo nalaku dhega barjeeyo tan.”

Dhanka kale, sarkaalkii VAR fadhiyey markii Ingiriiska loo dhigayey rigoorihii muranka keenay, Pol Van Boekel, oo ahaa ninkii xoojiyey go’aankii garsoore Danny Makkelie ayay UEFA markale u dooratay inuu VAR fadhiisto, iyadoo garsoore kale oo Dutch ah ciyaarta loo dhiibey kaasoo ah Bjorn Kuipers.

Van Boekel ayaa waxaa Axadda berri ah kaalin doona garsooraha Jarmanka ah ee Bastian Dankert dhanka VAR.

Hadalsame Media