Dal ay ciidankiisu busaarad darteed bilaabeen inay shacabka dayuuradohooda ku qaad qaadaan

0

(Hadalsame) 10 Luulyo 2021 – Kaddib markii uu dalku galay xasarad dhaqaale oo sii xumaanaysa, Ciidanka Lubnaan ayaa bilaabay inay dadka caadiga ah qaad qaadaan si ay ugu yaraan u helaan lacagta kabka dayuuradaha.

“Dagaalka aannu hadda ku jirnaa waa mid dhaqaale, sidaa darteed wuxuu u baahan yahay qaabab aan caadi ahayn,” ayuu yiri Colonel Hassan Barakat, oo ah afhayeenka ciidanka lugta dalkaasi oo tilmaamay in ay lacagaha ay daabulidda dadka ka helaan ay dayactir ahaan u adeegsanayaan.

Inaad 15-daqiiqo saarnaato dayuuradda tababarka ee Robinson R44 waxaa kaaga baxaysa $150 Doollar, xilli ay Lubnaan la tacaalayso wax ay Bankiga Adduunku ku sheegeen dhaqaale xumadii ugu darnayd taariikhda casriga ah.

Lacagta dalkaasi ayaa 90% qiimeheedii lumisay wax ka yar muddo 2 sanadood ah, iyadoo in kala bar ka badan dadwaynaha dalkaasi ay faqri daran cagaha geliyeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Joseph Aoun ayaa bishii tagtay ka digey in xasaraddan dhaqaale oo uu keenay musuq baahsan iyo hantida dowladda oo la iska fatahay ay keeni doonto burburka hay’aadka dowladeed oo ay ku jiraan Ciidamada Qalabka Sida oo haatan uu mushaarkoodu ka hoos maray $90 doollar.

Ciidamada Millateriga Lubnaan oo tan iyo dhamaadkii Dagaalkii Sokeeye ee 1975-1990, wuxuu kaalme ka helayey dalka Maraykanka si uu u sugo amaanka dalkaasi.

Qadar oo ka jawaabeysa xasaradda taagan ayaa Ciidanka Xoogga bishiiba siin doonta raashin gaaraya 70 tan.

Adib Dakkash, 43-jir, qurba joog ah oo ku nool Switzerland, balse haatan Lubnaan booqanaya ayaa sheegay in uu diyaar u yahay bixinta $150 doollar si ay isaga iyo carruurtiisu waqti baashaal ah ugu qaataan helakabtarrada Ciidanka Lubnaan, si ay iyaguna lacagta u helaan.

Hadalsame Media