Imaaraadka oo sameeyey qaab cusub oo sahlaya iibsiga xoolaha Soomaalida (Caqabad mar walba taagan & cidda ku eedaysan)

0

(Abuu Dabeey) 09 Luulyo 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa keenay qaab hufan oo sahlan oo ay dadkiisu ku iibsanayaan xoolaha nool ee Soomaalida xilligan loo diyaar garoobayo Ciidda Wayn ee Al Adxaa ee foodda inagu soo haysa.

Qaabkan cusub ayaa ah in xoolaha Soomaalida lagu kala iibsado qaab Online ah, taas oo badisay tirada xoolaha sanadkan Imaaraadku qaatay iyo xitaa qiimaha neefkii xoolo ah, waloow uu weli dheer yahay geeddi socodka caafimaad marintu.

Warqaadka maxalliga ah ee Gulf News ayaa qoray in qiimaha “Wan Soomaaliga” ee uu cufkiisu dhan yahay 12kg ee 6-bil jirka ah lagu kala iibsanayo qiime gaaraya 925 ilaa 980 oo Dirhamka Imaaraadka ah ($251-$266 oo doollar).

Arrintan ayaa sidoo kale dadka Imaaraatiga ah siinaysa xorriyad ay iyagu ku dalbadaan iyaga oo guryaha jooga iyo neefkii ay markaa doonayaan iyadoo deeto loo keenayo neefkii ay iibsadeen iyagoo adeegsanaya suuq online ah.

Suuqan ayaa lagu kala iibsanayaa dhamaanba xoolaha noocyadooda kala geddisan sida ariga, idaha, geela & lo’da si ay dadka oo sugaya Ciidda Wayn oo ku beegan 20-ka bishan Luulyo.

Dalalka Khaliijka ayaan caadiyan xoolaha Soomaalida siinin suuq fadhiya oo aan u samaynin wax door bidid ah, tiiyoo ay jirto inay xoolaha Soomaalidu yihiin kuwa ugu hilib macaan caalamka, waxaana ugu wacan dowladaha Somalia soo mara oo aan wax heshiis ah oo rasmi ah ka qalqaalin dalalkaasi, taasoo keenta in xoolaha Argentina, Brazil, Australia iwm ay ku ciriiriyaan suuqa.

Xoolaha Soomaalida ayaa sidoo kale markii la doono la iska joojiyaa amaba inta la qaado misna laga soo celiyaa dalalkii loo dhoofiyey ee Khaliijka.

Hadalsame Media