”Ha soo gelin hawadeenna!” – Daawo 2 miig oo Ruush ah oo hawada ku helay dayuurad basaas ah oo Maraykan ah

0

(Moscow) 08 Luulyo 2021 – Laba dayuuradood oo ah nooca guuxooda ka carara ee Su-30 ayaa la kiciyey si ay hawada Ruushka uga saaraan dayuurad nooca basaaska ah oo ay Leeyihiin Ciidanka Badda Maraykanka.

Dayuuraddan oo ah nooca Boeing P-8 Poseidon, ayaa si sharci darro ah kusoo geli rabtey hawada Ruushka ee ku beegan Badda Black Sea, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashandhigga Ruushka.

Waxaa deeto ku baxay laba dayuuradood oo bartilmaameedka cireed ee loo diray ku sheegay Boeing P-8 Poseidon taasoo ay ku gelbiyeen hawada Black Sea.

”Dayuuraduhu waxay si adag u raacayeen xeerka caalamiga ah ee cirka iyo sida loo adeegsado.” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga oo aan intaa u dhaafin sharraxaadda waxa dhacay.

Ma aha markii ugu horreeysey ee ay dayuuradaha Ruushku ay hawada dalkooda ka yureeyaan dayuurado ay leeyihiin NATO, gaar ahaan Maraykanku.

Hadalsame Media