Dayuuradaha Turkiga oo ilaalinaya hawada dal kale oo Yurub ah

0

(Warsaw) 08 Luulyo 2021 – Dayuuradaha dagaalka Turkishka iyo Maraykanka ayaa roondooyin ka sameeyey hawada dalalka Poland iyo Iceland taasoo qayb ka ah qorshaha NATO ee ilaalinta hawooyinka dalalka ku jira, sida uu sheegay Afhayeenkoodu.

“Waxaannu u mahad celinaynaa xulufadeenna Maraykanka iyo Turkiga oo ka qayb qaatay howlgallada cireed ee ilaalinta hawooyinka NATO,” Ayuu yiri Oana Lungescu.

Wuxuu sheegay in roondooyinkani ay amaan ka dhigayaan hawooyinka NATO islamarkaana ay muujinayso iskaashiga qotada dheer ee dalalka gaashaanbuurta ku jira.

NATO ayaa sheegtay in 4 dayuuradood oo ah nooca F-16 ee Turkishku ay Talaadadii tageen dalka Poland si ay ula shaqeeyaan Ciidanka Cirka Poland si loo sugo amaanka hawada gobolka.

Dayuuradahan Turkishka iyo 80 howlwadeen oo la socda ayaa halkaa sii joogaya ilaa bartamaha Sebtembar, sida ay sheegtay NATO.

4 kale oo ah kuwa Maraykanka ee U.S. F-15 ayaa iyaguna Arbacadii ka degey saldhig cireedka Keflavik ee Iceland si ay halkaa uga sameeyaan roondooyin.

Hadalsame Media