Bollywood oo ay godkooda biyo ugu soo galeen (Dowladda Hindiya oo soo saartay go’aan ay aad uga qayliyeen)

0

(Mumbai) 08 Luulyo 2021 – DF ee Hindiya ayaa go’aansatay inay gebi ahaanba meesha ka saarto Maxkamaddii Dhegeysiga Doodaha Faafreebka Filimada Hindiga ah ee FCAT.

FCAT oo ay 1983-kii samaysay Wasaaradda Warfaafinta iyo Baahinta Hindiya ayaa dhegeysan jirtey rafcaannada ay fannaaniinta oo isku ah dhamaan dad kala duwan sida jilayaasha, heesayaasha, soo saarayaasha, kuwa dheela iwm ay ka qaataan faafreebka uga yimaada hay’adda kale ee Central Board of Film Certification (CBFC), oo ah mid soo jirtey ilaa xilligii gumaysigii British-ka.

Hindiya, sida Galbeedkaba dadka aflaamta sameeya isma faaf-reebaan, balse waa inay shahaado ka helaan hay’adda CBFC, taasoo aflaamta u kala abla-ablaysa qaabkan:

Film “A” ah (waxaa daawan kara qaan-gaarka oo qura), “U/A” (ma laha wax xadidaad ah, balse waa inay waalidiintu ka dhowraan carruurta 12-jirka ka yar), “U” (ma laha wax xadidaad ah gebi ahaanba), ama “S” (waxaa loogu tala galay dad gaar ah sida dhakhaatiirta ama saynisyahannada).

Sidaa darteed, marka uu filim sameeyuhu ku qanci waayo go’aanka CBFC, ama loosoo jeediyo inuu filimka wax ka bedelo, wuxuu rafcaan u qaadan jirey Maxkamadda FCAT oo dib u qiimayn ku samayn jirtey.

FCAT oo ay xarunteedu tahay caasimadda New Delhi, waxaa hoggaamiya guddoomiye iyo 4 qof oo kale oo uu ku jiro Xoghaye Guud oo ay soo magacowdo DF Hindiya.

DF ayaa haatan soo saartay go’aan ah in FCAT aysan hadda kaddib dhegeysan doonin rafcaannada doodda ka qaba faaf-reebka fanka, balse ay murankooda la tegi karaan Maxakamadda Sare ee Hindiya.

‘Dib u dhac ku habsadey xorriyadda fanka’

Hay’adda Mumbai-saldhigata ee Bollywood oo iyadu samaysa filimada ugu badan ee af Hindiga kusoo baxa ayaa tillaabadan aad uga caraysan ugana cabsanaysa.

Alankrita Shrivastava, Soo saaraha filimka feminist-ha ah ee Lipstick ee Under My Burkha, ayaa Al Jazeera u sheegtay in kala dirista Maxkamaddii FCAT ay baylah ka dhigi doonto filim sameeyayaasha iyada oo kale ah.

Hadalsame Media