”Jug ayaa igu dhacday markii aan maqlay in 10-ka Oktoobar lagu beegay Doorashada MW Somalia!” – Arrin yaab miiran ah oo jirta!

0

(Hadalsame) 07 Luulyo 2021 – Doorashada Madaxtinnimada Somalia ayaa loo asteeyey inay qabsoonto 10-ka Oktoobar ee soo aaddan, taasoo dhacaysa kaddib doorashada labada aqal ee Baarlanka dhexe oo kasoo horrayn doona.

Yeelkede, waxaa soo baxay war YAAB miiran ah oo ku saabsan in maalintaasi ay ku beegan tahay maalin dunida laga maamuuso cudurrada dhimirka.

Dr. Xabeeb oo duleedka Muqdisho ku haya meel ay ku jiraan dadka dhimirka ka xanuunsanaya ayaa sheegay inay ”jug culusi ku dhacday” markii uu maqlay in 10-ka Oktoobar loo asteeyay inay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Wuxuu tilmaamay in 10-ka Okt., ay tahay maalin u gaar ah dadka dhimirka ka xanuusanaya oo caalamka oo idil laga maamuuso maalintaasi oo la yiraahdo World Mental Health Day.

Hadalsame Media