DEG DEG: Jilaa Hindi ah oo ay Soomaalidu si wayn u taqaan oo goor dhow geeriyoodey

0

(Mumbai) 07 Luulyo 2021 – Waxaa goor dhow dalka Hindiya ku geeriyoodey jilaa caan ka ah dalka Hindiya oo ay Soomaaliduna aad u taqaan. Wuxuu ahaa 98-jir.

Waa Dilip Kumar, oo uu magaciisa runta ihi ahaa Yusuf Khan, wuxuuna ku dhintay Isbitaal ku yaalla magaalada dhacda woqooyi galbeed ee Mumbai oo sidoo kalena ah caasimadda Bollywood goor dhow.

Kumar ayaa kasoo muuqday aflaam badan oo ay ku jiraan Mughal-e-Azam, Devdas, Naya Daur, Ram Aur Shyam iyo Madhumati.

Allaha u naxariisto jilaaga oo Muslim ahaa.

Hadalsame Media