Magaalo hor leh oo horay loogu asteeyey inay doorashadu ka dhacdo oo laga wareejin karo & walaac ka yimid Beesha caalamka

0

(Muqdisho) 06 Luulyo 2021 – Wararkii ugu danbeeyay doorashada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ka walaacsan inay doorasho ka dhici karto magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah magaalooyinka loo asteeyey deegaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in xubno ka tirsan beesha caalamka ay qabaan inay halis amni oo xooggan ka iman karto haddii doorasho halkaas lagu qabto, ayada oo ay suurta-gal tahay inay soo weeraraan maleeshiyada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa aad ugu xooggan deegaano ku dhow Baraawe, waxaana magaalada ku sugan ciidamo aan badneyn oo isugu jira Soomaali iyo Amisom, oo ay adkaan doonto inay Shabaabka iska caabiyaan haddii weerar culus uu kaga yimaado.

Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, inkasta oo aanu maamulka ku shaqeyn oo uu degan yahay Baydhaba, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay tahay halista amni ee magaaladan ka jirta.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in laga fakariyo inaan magaaladaas lagu qaban doorasho, ama la geeyo ciidan xooggan oo Amisom ah, taasi oo u baaqan qarash malaayiin dollar ah.

Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho, waxay fursad siin kartaa maammullada Jubaland iyo HirShabelle, oo horey u doonayey inaysan doorasho ku qaban Garbahaarey iyo Beledweyne, balse laga diiday, kuwaas oo ku doodi kara in deegaan doorashooyinka lagu soo wada koobo min hal magaalo, ama laba magaalo, balse aysan sax aheyn in maamullada midba si gaar ah loola macaamilo.

“Haddii la go’aamiyo inaan Baraawe lagu qaban doorasho waxay albaabada u furi kartaa maamullada kale ee ku doodaya in deegaan doorashada lagu soo koobo hal magaalo. Haddii lagu qabanayana waxay u baahan tahay qarash badan iyo ciidan dheeri ah, marka waa laba ka darran mid dooro,” ayuu yiri sarkaal ku dhow beesha caalamka.

Waxaa Diyaariyey: Cabdulqaadir Nadaara

Hadalsame Media