”Waan hubnaa inay ciidanka Somalia tageen Itoobiya!” – Maraykanka oo hal arrin hubaal ka dhigi waayey

0

(Washington, DC) 02 Luulyo 2021 – Mareykanka ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya, taas oo ay horay u beenisay xukuumadda Federaalka, sida lagu faafiyey BBC.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ihi ay ka qayb qaateen dagaalka Tigraay.

Godec oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas,” ayuu yiri.

Ilhaan ayaa mar kale weydiisay Godec sababta ay ciidamada Soomaaliya u joogeen Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kaddib heshiis dhexmaray labada dowladood.”

Arrintan ayaa soo cusboonaysiinaysa dooddii ahayd in ciidan Somalia ah la geeyey dalka Itoobiya, waloow ay sii yaraanayso sheegashadii ahayd inay dagaalka galeen oo ku le’deen.

Sidoo kale lama hubo in uu Maraykanka oo cadaadis iyo dayaacad ku haya nidaamka haatan ka taliya Itoobiya uu run ka sheegayo warkan.

DF Somalia ayaan se weli si buuxda oo daah-furan marna uga hadlin duruufaha ku hareeraysan ciidamadan Somalia laga qaaday oo la sheegay inay ku silicsan yihiin Eritrea, iyadoo aan la ogayn sababta loo soo celin la’yahay.

Hadalsame Media