”Inta Scandinavia kasoo carareen ayay soo degeen guryihii Ingiriiska ee qoryaha ka samaynaa ee doolliga miiran ahaa!”

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2021 – Soomaalidu markay ku bateen Maraykanka aakhirkii 90aadkii, waxaa dhakhaatiirtu ka yaabi jireen in cudurrada buurnaantu keento sida macaanka iyo dhiig karku ku bateen. Yaabku wuxuu ahaa iyaga markii 5 kiilo ku darsanto miisaankooda, waxay la xanuun noqonayeen qof 30 kiilo ku korortay.

Malaha ilaa awoowahoodii 20aad mid buuran kuma jirin oo waxa la cunaaba iska yaraa marka jirkooda ayaa sidaas la qabsaday oo dhawr kiilo xammili waayey. Jir weligii dhibbanaa si sahlan raaxo kuma aqbalo.

Kuwii tegey waddamada Iskaandaneefiyanka (sida Norway iyo Sweden) oo ah meelaha ugu nolosha wanaagsan Yurub, waa la qabsan waayeen oo waxay ku yaaceen Ingiriiska oo guryo yaryar oo qoryo ka samaysan oo jiir (doolli) badan leh lagu jiro.

Aad ayey uga heleen Ingiriiska oo meeshii ‘xumayd’ ee hoo iska cun oo iska cab lagu hayey waa soo naceen. Dhibaato la’aan maba noolaan karno. Waagii BBCda aadka loo dhegeysan jirey, maalinta aanay dagaal iyo meel lagu jabay ka sheekayn, waxaa la oran jirey “Maanta waxba ma sheegin!”

Hadda in kastoo xoogaa dawladnimo iyo nabad ah soo noqonayaan, haddana markii muddo la joogaba in yar oo basbaas ah in nolosha nalooku daro ayaan iska xiisaynaa.

Kii ceel tuuladiisa laga qodo waa inuu sawir ka soo qaadaa oo “Ka noxoow nafta waa” ku soo qoraa waayo ceel aan qaylo ka yeerin oo aan lagu murmin weligiis maba arkin. Haa, waa in qaylo yeertaa. Nolol iska fadhi oo iska cun ah waa na dhibtaa.

Waxaa Isku Duwey: Ustaad Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media