In la xuso daqarka xorriyadda gaarey & in loo dabaaldego kee dow ah maanta?

0

(Hadalsame) 02 Luulyo 2021 – Waxaa lagu jiraa toddobaadka xorriyadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay kharash iyo waqti badan ku bixisay in loogu dabaaldego munaasabadaas heeso, xaflado iyo khudbado ay madaxda jeediyaan.

Shaki malaha inay munaasabaddu mudan tahay in loo xafladeeyo, waxaase lama huraan ah in madaxda Soomaaliyeed iyo dowladda waqtigeeda dhammaaday ay shacabka xusuusiyaan dhaawaca gaaray xorriyaddii iyo midnimadii loo soo halgamay 61 sano ka haray.

Gooni isu taagga Somaliland, ku tiirsanaanshaha ciidamada Amisom, sagxadda miisaaniyadda, khilaafka siyaasadeed, kala fogaanshada bulshada, faqriga, abaaraha iyo burburka dhaqaale, waa qaybo kamid ah muuqaalka dhaawac na gaaray.

Nasiib darro Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday meelna kuma xusin caqabadahaas iyo xalkooda toona Khudbadiiisa Tiyaatarka Qaranka waxa uu Farmaajo sheegay inuu dareemayo inay soo noqotay wadaniyadii uu aqoon jiray.
Intii aan dabbaaldegga iyo qabanqaabadiisa ku maqnayn, ayaa Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan uusan qaadan wax fasax ah, waxa uu booqasho ku tagay dalalka Gobolka ee kulaala Badda Cas sida Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo dalal kale oo daneeya arrimaha Soomaaliya oo uu dhowaan tagi doono.
Waxa uu la kulmay madax kala duwan oo heer wasiirro ah, isagoo kala tashanayay xaaladda Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa. Waxaa ka sii horreeyay latashiyo uu la sameeyay Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti. Waa markii koowaad ee dhaqdhaqaaq noocaan oo kale ah uu sameeyo ergayga Qaramada Midoobay tan iyo saxiixii Kampala Accord 2011 oo Soomaaliya ay ku jirtay xilli kmg ah.

Haddaba ma habboon tahay in Farmaajo sheegto inuu qabkii iyo sharaftii Soomaaliya soo celiyay?

Waxaa Qoray: Cabdicasiis Golf Yare

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media