BELGIUM VS ITALY: Warbixin ku saabsan kulamada 8-dhamaadka caawa dhacaya (Tebintii Xaaji)

0

(Munich) 02 Luulyo 2021 – Waxaa caawa foolka isku diiraya laba camaaliqo qaaradeed, marka ay isku dhacaan Belgium oo haatan kusoo biiray xulalka waawayn iyo Talyaaniga oo ku hardamaya koodii nus-dhamaadka u gudbi lahaa.

Waxay isku herdinayaan gegada Munich ee Allianz Arena, Belgian oo haatan qiimaynta FIFA 1-aad kaga jira iyo Azzurri oo aan laga badin 31 kulan oo xiriir ah.

Belgium ayaa wada badiyey 14 oo iskugu jira min isreebreebkii ilaa kulamadii uu ka ciyaaray EURO, isagoo barbarreeyey rikoodh ay horay u dhigeen Talyaaniga uu caawa wajahayo iyo Jarmanku, sidaa darteed, labada xulba waxay caawa rajaynayaan guushoodii 15-aad ee tartankan.

Dhanka kale, waxaa kulanka ka horreeya oo fiidkii ciyaaraya Switzerland oo uu weli farahooda ka qoyan yahay dhiiggii Faransiisku iyo dalka Spain oo isku fara saaraya magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka.

Hadalsame Media