WEJIGII KIBIRSANAA: ”Waxaa jira wax la ogyahay; waana kuwa aan ognahay. Waxaan sidoo kale ognahay inaan ognahay wax aan la ogayn; waa in la yiraahdo oo kale waxaa jira wax aynaan ogayn. Balse waxaa jira lama ogayaal aynaan ogayn, taasina waa kuwa aynaan ogayn inaynaan ogayn.” – Donald Rumsfeld.

0

(Washington, DC) 01 Luulyo 2021 – Donald Rumsfeld, oo ahaa muhandiskii Dagaalkii Ciraaq iyo kii Afghanistan uu Maraykanku ku burburiyey ayaa dhintay isaga oo 88-jir ahaa.

Wuxuu Donald sidoo kale ka mid ahaa horseedka Muxaafidiinta Cusub (Neo Cons) oo ah maskaxda ka dambaysa waxa loo yaqaan “La Dagaallanka Argagixisada” oo ah cinwaan micne badan.

Rumsfeld ayaa lagu tilmaamaa wejiga kibirka Maraykanka marka dib loo akhriyo waayihiisii ahaan nin mudadii ugu dheerayd kasoo shaqeeyey Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.

Wuxuu ahaa dadka la tuhunsan yahay inay dejiyeen qorshihii lagu sameeyey Dagaalkii 2-aad ee Ciraaq oo loogu marmarsooday Sebtember 11, 2001, waloow aanu jirin xiriirka Sadaam Xuseen kala dhexeeyey Al Qaacidda oo taa bidaalkeeda Maraykanka la timid Ciraaq, isla markaana aan la helin qiilkii kale ee ahaa inuu haystey ama samaynayey hub nukliyeer ah.

Saas oo ay tahay Rumsfeld xitaa uma roonayn Ciidanka Maraykanka waxaana laga garan karey sida uu ugu jawaabey askari Maraykan ahaa oo waydiistey inuu ku xun yahay agabka dhowraarinta loo adeegsado.

”Muhiimaddu waa inaad dagaal aaddaa ee ma aha inaad ka fikirto hubka iyo agabka aad haysan lahayd.” ayuu askarigii ku aamusiyey Donald oo xilliga xero askareed booqanayey.

Waxyaabaha Donald Rumsfeld lagu xusuusto waxaa ka mid ah, qoraal fasaxaya in dadka la qabto si xun loo jirdilo loona bahdilo oo soo baxay 12/2/02, ayuu ku ogolaaday in qofka la maraanmaro muddo 20-saacadood ah oo xiriir ah, iyadoo dharka laga siibayo, iyadoo qofka loo istaajinayo qaab uusan u gigsan karin muddo 4 saacadood ah.

“Yeelkeede, waxaan maalintii taagnaadaa 8-10 saacadood. Maxaa istaagga 4 saacadood loogu koobay.” ayuu is waydiiyey Rumsfeld oo memo-ga uu qoray far caadi ah hoos intan uga sii qoraya, isagoo kibirsan oo aan wax dareen ah muujinaynin.

Wuxuu markii uu ciidamada diri rabey sheegay in “dagaalku uu qaadan karo 5 maalmood, 5 todobaad ilaa 5 bilood, balse aanu daba dheeraan doonin,” mar uu Rumsfeld waraysi bixinayey 2002dii.

Yeelkeede, dagaalka Ciraaq wuxuu holcayey min Maarso 2003 ilaa Diseember 2011, markii uu MW Barack Obama sidaa ku dhawaaqay, balse wuxuu dib u dillaacay 2013 isagoo ka dhashay saamayntii dagaalka sokeeye ee Suuriya, waxayna Ciidamada Marayanku halkaa ka dagaallamayeen ilaa 2017kii.

Yeelkeede, markii isaga la waydiiyey in lagu fashilmay dagaalkii uu isagu ka mid ahaa raggii hindisey, si jees jees ah ayuu uga af-celiyey inuu raalli gelin bixiyo.

”Maxaa yeelay sidaan ognahay, waxaa jira wax la ogyahay; waana kuwa aan ognahay. Waxaan sidoo kale ognahay inaan ognahay wax aan la ogayn; waa in la yiraahdo oo kale waxaa jira wax aynaan ogayn. Balse waxaa jira lama ogayaal aynaan ogayn, taasina waa kuwa aynaan ogayn inaynaan ogayn.” ayuu ku jawaabey Donald Rumsfeld.

Taasi waa sababta uu Donald Rumsfeld u ahaa wejiga kibirsan ee dalka Maraykanka oo xoog ma ahane aan inta badan xeelad ku wajahin siyaasadda dibedda, tiiyoo ay jirto inuu haysto fursad badan oo uu ku adeegsan karo awoodda debecsan (soft power).

Hadalsame Media