”Waxay ku caano badan tahay inaan goobta joogno!” – Maraykanka oo ka fikiraya inuu dib ugu soo laabto Somalia

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2021 – Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa ka baaraandegeysa inay Somalia kusoo celiyaan ciidamadii ay ka saareen, kaddib 6 bilood uun markii ay ka maqnaayeen.

Bishii Diseembar ayuu MW xilligaas ee Donald J. Trump wuxuu ciidankiisa si halhaleel ah ugu amray inay ka baxaan Somalia iyagoo deeto loo “daad gureeyey” dalalka deriska ah oo qaar laga sii qaaday.

Yeelkeede, Taliyaha AFRICOM, Jen. Stephen J. Townsend, oo dorraad hadlayey ayaa hay’adda daraasaadka istaraatijiga ah ee Center for Strategic and International Studies iyo Washington Defense Forum, u sheegay in Pentagon oo raacaya siyaasadda cusub e Joe Biden uu wax ka bedeli karo qaabka uu haatan yahay nidaamka loo raacayo ciidamada gobolka jooga.

Wuxuu intaa raaciyey inuu wada hadal socda kula jiro madaxda ka sarreeysa ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo tilmaamay in sida ugu wanaagsan ee Afrika jaal loola noqon karo ay tahay ”fool ka fool, dhinac ka dhinac, garab ka garab,” isagoo sheegay inay taasi adag tahay haddii aysan ciidamada Maraykanku si rigli ah u joogaynin.

“Lama dafiri karo in bixitaankii deg degga ahaa ee aannu Somalia ka samaynay sanadkii tegey uu abuuray lakabyo halis ah oo cusub oo ka dhan howlgalkeennii halkaasi.” ayuu ku dooday Jen. Townsend said.

Ciidamadan Somalia laga saaray ayaa waxaa ka qayb qaatay maraakiibta Dagaalka US Navy, kuwa cirka ee USAF oo adeegsanayey dayuuradaha culus sida C-130s oo markiiba qaadi kara 200 oo askari ka badan, wax lagu naanaysay “Operation Octave Quartz,” oo lagu qaaday ilaa 4 milyan oo rodol oo canaab ah iyo ilaa 700 oo askari.

Isha: Air Force Magazine

Hadalsame Media