”Uma dulqaadan doonno dadka Tigreega u gacan haadinaya!” – Gobolka Soomaalida oo digniin soo saaray

0

(Jigjiga) 01 Luulyo 2021 – Xukuumad-goboleedka Gobolka Soomaalida haatan Itoobiya hoos taga ayaa iskaga yimid oo wax iska yiri xaaladaha cusub ee kasoo kordhay dalka Itoobia.

Shir degdeg ah oo ka yeesheen soo laba-kaclaynta ururka TPLF oo haatan la baxay TDF oo dhowaan qabsaday caasimadda Tigraay ee Maqalla, magaalada Shire iyo meelo kale ayay mowqifkooda siyaasadeed ku bayaaniyeen, iyadoo uu fadhiyey MW Maamulkaasi, Mustafe Cagjar.

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaa muujiyey inay aanooyin iyo hagardaamooyin badan ka tirsanayaan nidaamkii Tigreega ee muddada aadka u dheer xukumayey Itoobiya, iyagoo sheegay inay aad u adkayn doonaan amaanka Gobolka Soomaalida.

“Marnaba uma dulqaadan doonno shakhsiyaadka u gacan haadinaya ururkii 30-kii sanno ee tegay baabi’inayey bulshada Soomaaliyeed dhinac dhaqaale iyo mid bulshaba”. ayaa lagu yiri war ka soo baxay shirka xukuumadda Gobolka Soomaalida.

Hadalsame Media