Ujeedkiisa 1-aad wuxuu ahaa inuu casharrada ka caawiyo ina-adeertii oo 13-jir ahayd!

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2021 – Sannadkii 2004-tii ayuu isku dayay in uu gabar ina-adeertiis oo 13 sano jir ah uu ka caawiyo maadada Xisaabta, maadaama aysan awoodin qarashaadka waxbarashada nidaamiga ah.

Ina-adeertiis waxa ay ku nooleyd meel isaga ka fog, sidaa awgeed si uu maadada Xisaabta ah u baro, waxa uu adeegsan jiray taleefan iyo internet si ay u wada xiriiraan duruustana u siiyo, sidaas ayuuna duruusta inta uu awoodo u bari jiray.

Sannadkii 2006-dii, ayaa dad kale oo qaraabadiisa ah ay weydiisteen in si lamid ah uu ka caawiyo duruusta, inta uu awoodo. Intaa kadib waxa uu bilaabay in uu iska duubo muuqaallo kadibne uu Youtube-ka ku baahiyo, maadaama uu qaraabada mid walbo uu si gaar ah u gaarsiin karin. Kanaalkii uu furtay waxa uu ugu magacdaray Khan Academy,

Hadda oo uu muddo 15 sano kanaalkiisa furan yahay, arday badan oo dunida daafaheeda joogana wax ka bartaan, qaarna duruusta ay goobaha waxbarashada ku fahmi waayeen ay naqtiin ahaan kaga bogtaan, waxaa ku xiran 6.6 milyan, waxa uuna gaaray heer duruusta kanaalkiisa ka baxdo loo baddelo afaf kale.

Wuxuu go’aansaday inuu ka tago shaqadiisa, waqtigiisana u huro ardayda aanan awoodin qarashaadka waxbarashada nidaamiga ah. Sababtaas ayaa ku kalliftay in uu muuqaallo ku baahiyo Youtube-ka.

Ninka aan ka sheekeyneyno magaciisu waa Salman (Sal) Khan, waana nin Mareykan ah oo waxbartay, waxa uuna dhashay sannadkii 1976-dii. Dadkii howshiisa ku taageeray muddooyinkii dambe waxaa kamid ah maal qabeenka Bill Gates oo ugu deeqay 1 milyan iyo bar oo dollar. Sidoo kale shirkadda Google ayaa ugu deeqday 2milyan oo dollar, si ay howshiisa ugu dhiirageliyaan.

Inkastoo dunida wax walbo fududaadeen, hadana Soomaaliya arday badan ayaa weli dhaqaalo-yari haysata darteed uga harta waxbarashada nidaamiga ah. Si baahidaas loo daboolo waxaa loo baahan yahay in aaladaha casriga laga faa’iideysto oo qof walbo uu xil iska saaro sidii ardayda ku hareereysan ee aan waxbarashada awoodin uu wax u bari lahaa–ugu yaraan kuwa qaraabadiisa ah ee xaqa ehelnimada ku leh uu wax u bari lahaa.

Ugu dambeyn, internet-ka aynu dhanka wanaagsan kaga faa’iideysano, dunida badankeed waa dheefsataye.

Xigasho: Dhuubow

Hadalsame Media