Somalia horta maka jirtaa XORRIYAD loo dabaaldego mise mid baannu hadda doonaynaa?!!

0

(Hadalsame) 01 Luulyo 2021 – Inkastoo Somalia ay xornimadeeda ka heshey gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga 1960- Wali waxaa jiro dad su’aal galiyo xiligan xoriyada dhuleed iyo midda maskaxeed ee dadka Somalia.

Dadka ugu badan ee su’aasha ka qabo in Somalia wakhtigan xor tahay waxaa ka midda ah aqoonyahano ama dadkii hore ee caqliga iyo waayo aragnimada u saaxiibka ah, Somalia oo Somalia ahna soo joogay.

Dadkaasi waxey u sababeynayaan in wakhtigan ama 30-kii sanee ugu dambeysay faragalinta deriska iyo mida shisheeye ee sida dadban ama tooska ah ee Somalia haysato. (Waa aragtidoodee).

Waxaa kaloo jiro dad ku doodo in Somalia, wakhtiga yar ee adag ee ay ku jirto ay ka bixi doonto, gumaystane aan lagu tilmaami karin, sida ay tahay, Wadamo badan oo burbur iyo dagaalo sokeeye marayna ay maraan marxaladda Somalia hadda ku jirto (Waa Aragtidooddee).

Waxaan ka mid ahaa dadkii waayo dhowba, aad ula dhacsanaa fikradda dadka hore- inkastoo aanan rabin inaan hadda sababeeyo qoraalkan dhexdiisa waxii igu kalifey taasi!

Si kastaba se, maadaama Awoowyaal badan iyo Ayeeyoyaal badan ay dhiig usoo hureen in dalkeena uu xor noqdo, maanta na ay xasuustoodii ay tahay.

Hambalyo ayaan leeyahay June 26, iyo 1-da Luulyaba, maalmaha xoriyadeenna.

Waxaa Qoray: Sahra Cabdi Axmed

Hadalsame Media