Qadar oo 36 dayuuradood oo dagaal u diraysa Turkiga & Giriigga oo cabsi ka muujiyey ”khiyaano” arrintan ku jirta

0

(Ankara) 01 Luulyo 2021 – Ciidamada Cirka Qadar ayaa 36 dayuuradood oo kuwa guuxooda ka dheereeya ah u daabuli doona dalka Turkiga, kuwaasoo ay wehlinayaan 250 howlwadeen oo la socda, si ay halkaa tababarro khibrad qaadasho ah uga helaan.

Sida ku cad heshiis farsamo oo uu bishii tagtay ansixiyey Baarlamanka Turkigu, waxaa heshiiskan bishii Maarso saxiixay Abaanduulka Ciidanka Turkiga, Jeneraal Yasar Guler isagoo uu wehlinayo dhiggiisa Qadar,

Sida ku cad dokumentiga heshiiska, waxay Dooxa tababarkan qaadan doontaa muddo 5 sanadood ah, iyadoo sanad kale lagu dheerayn karo, waxayna howshu bilaabmi doontaa todobaadyada soo aaddan.

Heshiiskan oo lagu xoojinayo isbahaysiga istaraatijiga ah ee labada dal, ayaa waxaa Qadar laga doonayaa inay Ankara wargeliso muddo 60 maalmood ah kahor inta aanay ciidanka dirin, iyadoo loo baahan yahay inay sidoo kale tababarka ka qayb galaan duuliyeyaal Turkish ah.

Dooxa iyo Ankara ayaa sameeya iskaashiyo dhinacyo badan ah, iyadoo ay Turkigu fashiliyeen duullaankii 2017-kii lagu go’doomiyey jasiiraddan yar, waxay sidoo kale isu kaashadaan min Suuriya ilaa Libya.

Turkiga ayaa dalalka ologga la ah ee uu khibrad dhaamo siiya tababarrada noocan ah oo ay dayuuraduhu ku sameeyaan duullimaadyo dhaadheer iyo maritaanka jawiyo kala gedisan, wuxuuna sidan oo kale u caawiyey Israel min 1990meeyadii ilaa 2000, waloow ay kaddib iskula dheceen arrinta Falastiin.

Dalka Giriigga ayaa heshiiskan cusub ee labadan dal si la yaab leh u dhaliilay isagoo ku dhaliilay in Turkigu ay doonayaan inay qishaan dayuuradaha Faransiisku sameeyo ee Rafale oo ay Qadar adeegsato.

Turkigu caadiyan ma isticmaalo Rafale, balse Giriigga ayaa waxaa u dalban ilaa 18 xabbo, iyadoo ay Turkigu sidoo kale ay qabanayaan dhoollatuska Anatolian Eagle kaasoo ay kasoo qaybgelayaan ilaa 20 dal oo ay ku jiraan Qadar, Azerbaijan, Ukraine iyo NATO.

Hadalsame Media