Xafsa Iimaan oo Xamar ka sameeysay tillaabo ay higsan karaan dhallinyarada kale + Sawirro

0

(Muqdisho) 30 Juun 2021 – Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ka xoogsata ayaa samaysay arrin soo jiidatey dareenka dadwaynaha kaddib markii ay fuushay dhowr jaranjaro oo muujinaya horumar shakhsi ah.

Xafsa Iimaan ayaa lagu yaqaanney inay biyaha khudradda laga miiro ee ay Soomaalidu mushakalka u taqaan ku iibiso jidka dhiniciisa.

Yeelkeede, haatan halkaa waa ka dallacday oo waxay furatay maqaaxi laga heli karo kafee tayo leh oo lagu magacaabo Saxarla Coffee.

Arrintan ayaa muujinaysa in qofku uu isaga gudbi karo jaranjarooyinka nolosha si kasta oo ay taasi ugu muuqato inay adag tahayna aad uga gudbi karto kalsooni iyo go’aan sugan.

Hadalsame Media☕