Wuxuu dalka uga dhintay dhaxal qaran oo aad taqaanno, balse isaga ma taqaanid

0

(Hadalsame) 30 Juun 2021 – Wuxuu ifka uga tegay dhaxal faneed oo aan loo ogeyn. Tuulada Dac oo 18KM galbeed uga beegan degamada Ceelbuur ayuu ku dhashay 1948dii, halkaas ayuuna ku soo barbaaray. Maalmihii xuriyadda ayuu soo galay Muqdisho oo uu wax ku bartay.

Cilmiga luqadaha ayuu ka bartay jaamacaddii Umadda, kadibna waxa uu Agaasime-ku-xigeen ka noqday Wakaaladdii Biyaha Soomaaliya. Intii uu socday dagaalkii 1977kii waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Godeey, markii dagaalka laga soo laabtayna waxaa loo magacaabay xoghayaha Wasaaradda Ganacsiga, halkaas oo uu ka shaqeynayay in ku dhow 10 sano.

Waa abwaan Xaashi Yuusuf Warsame Cabdulle oo ahaa walaalka ka weyn Cabdalla Yuusuf(Hanuuniye). Sida ay Hanuuniye iyo Barre Maxamed Fiidow ku xuseen wareysi uu Cumar Seerbiya uga qaaday telefishanka Goobjoog, waxa uu Xaashi Yuusuf curiyay heeso badan oo maanta Hanuuniye loo yaqaan, oo ay ka mid yihiin “Hasha labada geel jecel” iyo “Gorgoryohow i gaarsii”.

Sanadkii 1982kii wuxuu curiyay heesta “Laab dooxantay” oo ay markii hore wada qaadeen Hanuuniye iyo Nadiifo Cali Kullane, 1984tiina uu Barre Maxamed Fiidow ku darsaday riwaayaddiisa “Ka joog adiga maahee” oo ay ku wada qaadeen Saafi Ducaale iyo Axmed Inshaar, dibna ay mar kale u wada qaadeen Xabiibo Xasan Tooxow iyo Axmed Inshaar, iyo fannaaniin kale.

Dabayaaqadii 1987kii waxaa abwaan Xaashi Yuusuf haleelay xanuun ka naafeeyay maskaxda iyo lugta bidix. Markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuu safka hore ka galay dadkii dhibbanayaasha u noqday dagaalladii dalka ka dhacay. Waxaa dhaawac dhanka garabka ah ka soo gaaray wiifto ka timid dagaal Muqdisho ku dhex maray jabhadihii iyo dowladda, mar kalena waxaa dhaawac culus ka soo gaaray dagaalkii 1993dii Xamar ku dhex maray askartii Mareykanka iyo jabhaddii USC.

Bartamihii sagaashameeyadii waxaa Xaashi Yuusuf la geeyay tuuladii Dac, waxaana halkaas ku xannaaneyn jirtay walaashiis Xabiiibo Yuusuf Warsame. In kaste oo uu hayay xanuun cuuryaamiyay maskaxdiisa, marmarka qaar waa fiicneyd xusuustiisu, wuxa uuna ka sheekeyn jiray waayihiisii, in kaste oo uusan mar kasta heli jirin dad uu uga sheekeeyo maadaama ay dadka badankood u arkayeen nin waalan oo iska hadlaya.

Wuxuu si fiican u yaqaannay Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga. Markii aan iskuulka ka soo baxno waxa aan ku soo mari jirnay balanbalo iskuulka ka sokeyso, wuxuuna na waydiin jiray ciwaannada cashirradii aan maalinkaas soo qaadannay oo uu qaarkood noo sharxi jiray, isaga ayaana ka bartay erayo badan oo Ingiriis ah, kana maqli jiray erayo Talyaani ah oo ku hadli jiray markii ay ka xanaajiyaan carruurta oo ku maadeysan jirtay.

Ka dib 39 sano oo uu carruurnimo, caafimaad, halabuur iyo madaxnimo ku soo qaatay noloshiisa iyo 27 sano oo uu xanuunsanaa, ayuu Xaashi Yuusuf wuxuu 2014kii isaga oo 66 jir ah ku geeriyooday tuulada Dac, hal gabar ayuuna ifka uga tegay. Alle ha u naxariisto.

“Markii uu dal burburo, dadkiisa waxgalka ah ee uu wax ku yahay kama tagto ee cagta ayuu sii mariyaa” Nuuraddiin Faarax.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media

Facebook Comments