DAAWO: ”Ma u jeeddaa askartaas?!” – Israel oo samaysatay ”tuute” keenaya inaan askariga la arkin (Dalka ku dhaliyey samaysiga aaladdan?)

0

(Tel Aviv) 30 Juun 2021 – Ciidamada Israel ayaa ka dhabeeyey sheeko mala awaal ahayd oo ku saabsan in ciidamada loo sameeyo tuute keenaya in aan askariga la arkin, kaddib markii ay sameeyeen ‘Kit 300’ oo awooddaas leh.

Qalabkan ayaan kaliya ka dhuumanaynin indhaha insaanka, balse waxaan sidoo kale arki karin aaladaha kulka arka (thermal detectors), iyadoo ay tiknolojiyaddan isla sameeyeen Ciidamada Xoogga Israel iyo shirkadda Polaris Solutions oo Israeli ah.

Kit 300 ayaa waxaa uu cufkeedu yahay wax aan sidaa uga badnayn hal rodol ama nus kiilo (1.1 pounds (0.5kg), taasoo ka dhigaysa wax la qaadan karo, iyadoo weliba leh midab sidayaal kala duwan si ay ula qabsato oogada dhuleed ee kala geddisan midab ahaan.

Waxaa kale oo ay leedahay muuqaallo kale oo faa’iidooyin badan leh, sida in roobka looga okoran karo, inay noqon karto teendho yar oo la seexan karo, bareelle wax lagu qaado iyo hooy kul iyo qabow celis ah.

Asaf Picciotto, oo wax ka asaasay sidoo kalena Agaasime Guud ka ah Polaris Solutions ayaa sheegay, in samaynta agabkan ay ku dhalatay berigii Dagaalkii Lubnana ee 2006-dii, isagoo markaa ka tirsanaa Ciidamada IDF.

Wuxuu sheegay inuu dareemay sida ay Ciidamadoodu ugu baahnaayeen wax ka dhowraariya kaamirooyinka kul aragga ah iyo agabka habeenkii wax lagu arko.

Agabkan oo ay Polaris sheegtay in aanu jirin ciidan kale oo maanta haysta, sida ay qabaan, ayaa haatan ku jira marxaladdii tijaabada, iyadoo ay Polaris Solutions sheegtay inay ka qayb galeen dhowr howlgal oo wada jir ah, balse ma qayaxin tafaasiisha.

Hadalsame Media