Talyaaniga oo Lukaku u diyaariyey lamaane daafac oo uusan abid hal goolna ka liqin (Waayo?)

0

(Munich) 28 Juun 2021 – Xulka Belgium ayaa xalay 1-0 dirqi ihi ku fillaatay si ay dhinac iskaga mariyaan Portugal oo ay ku reebeen Wareegga 16-ka.

Belgium ayaa sidaa ku ballansaday Talyaaniga oo fiidnimada Jimcaha soo aaddan ku wada ciyaari doonaan gegada Allianz Arena ee magaalada Munich.

Yeelkeede, macallinka Azzurri ayaa durba wada qorshaha diyaartinta ciyaartan, isagoo ka fikiraya waxyaabo ay ka mid yihiin la xaalidda weerarka xooggan ee Romelu Lukaku.

Warqaadka Gazetta dello Sport, ayaa qoraya in laacibkan reer Belgium loo darbay lamaane difaac oo aanu abidkii gool ka liqin 4 jeer oo uu wajahey koox iyo qaranba.

Cid kale ama ahane waa labada laacib ee Chiellini-Bonucci oo u wada dheela kooxda Juventus ee dalkaasi Talyaaniga.

Hadalsame Media