Saynisyahanno Kenyan ah oo daraasadaynaya dhecaannadda xubinta taranka haweenka si loo diyaariyo tallaal lagula tacaalo AIDS-ka

0

(Nairobi) 28 Juun 2021 – Culimada sayniska ee University of Nairobi ayaa daraasadaynaya in dhecaannada uu soo daayo xubinta taranka haweenka qaarkood si loo samayn karo tallaal lagula tacaalo cudurka dilaaga ah ee aan dawada lahayn ee HIV AIDS.

Saynisyahannadan oo la shaqaynaya Kenya Aids Vaccine Initiative (KAVI) ayaa dhecaannada haweenka adeegsanaya maadaama ay dumarku ay boqolleey ahaan 2 jeer caabuqa ka qaadi og yihiin ragga oo ah 3.1% marka loo eego dumarka oo ah 6.6%.

Dr Marianne Mureithi, oo ka tirsan mac’hadka Kavi Institute ayaa sheegtay inay baarayaan waxyaabaha sahlaya inay haweenku u nuglaadaan qaadiska fayruska, iyadoo daraasaddan oo la bilaabay 2017-kii sidoo kale lagu eegay adeegsiga sulboostada oo bedesha kiimikada gidaarka xubinta taranka dheddigga, taasoo sahlaysa inay fayruska u nuglaadaan.

Daraasaddan ayaa tan iyo markii la bilaabay waxaa ka qayb galay haween isxilqaamayaal ama mutadawiciin ah oo iskugu jira qaar qaba HIV iyo qaar caadi ah oo kala jooga Kangemi iyo Kibra iyo kuwo adeegyo u soo doontay Kenyatta National Hospital.

“Waxaannu doonaynaa tallaal ka shaqaysiin kara daafaca haweenayda si uu markiiba u shaqo bilaabo isla daqiiqadda ay galmadu dhacayso,” ayay tiri Dr Mureithi.

Hadalsame Media

Facebook Comments