MW Hirshabeelle oo shirka ogolaaday balse ay su’aalo ka taagan yihiin sababtii uu u diidey markii hore?!

0

(Hadalsame) 28 Juun 2021 – MW Hirshabeelle ayaa haatan ogolaaday inuu kusoo biiro Shirka Teendhada, kaasoo uu haatan ogolaaday inuu uga qayb galo aaladda Zoom, sida kasoo baxday Xafiiska RW dalka.

Si kastaba, Yuusuf Aw Maxamuud ayaa keenay su’aalo waaqici ah oo ku saabsan sababta uu MW Cali Guudlaawe uu marka horeba shirkan ku qoonsaday, isagoo qaba dood ah sababta ay qarsoodi u ahayd waxa uu tabanayey? Wuxuu qoray:

Madaxweynahayga HirShabeelle waa uu diiday in uu ka soo qeyb galo shirka doorashada ee Muqdisho. Hortiis dhowr madaxweyne ayaa diiday shirar noocaan ah, laakin waxaa la ogaa sababta ay uga baaqanayeen oo marka tabashadooda la xalliyo ayay immaanayeen.

Hadda, madaxweynaheenna ma noo sheegi karaa sababta uu shirkaan ku diiday? Casuumaad miyaan loo dirin? Wax danaha HirShabelle ka soo horjeeda miyaa looga hadlayaa? Mise arrimo kale ayaa jira?

Degaankeena iyo guud ahaan dalkaba wax maanta uga muhiimsan doorasho qaran ma ogi, sidaas darteed, madaxweyne Guudlaawe iyo maamulkiisu ha noo faahfaahiyaano bal sababta ay shirka uga baaqdeen. Go’aan kasta oo masiiri ah waxaa waajib ah in la faahfaahiyo sababta loo gaaray.

Waxaa kale oo jirta sababta shirkan sidiisaba loogu baahday xilli ay kala bar dhaafeen maalmihii 60-ka ahaa ee loo qabtay in doorashada lagu agaasimo laguna qabto?

Hadalsame Media