“Ha is dhiibin weligaa!!” – Qiso muujinaysa qamuunyo farxad ku dhamaatay!

0

(Hadalsame) 28 Juun 2021 – HA IS DHIIBIN WELIGAA – Muuqaal waraysi kooban ah oo aan ka daawaday Barta YouTube-ka uu ku leeyahay saxafi Abdihafid M Jama Official kuna wareystay Gabar Soomaaliyeed oo magaceedu yahay Xaliimo Cabdirisaaq, oo ah qoraaga buugga lamagac baxay “My Father’s legacy” / “Dhaxalkii Aabbahay”. ayaa inkastoo uu ahaa mid daqiiqado kooban lagu soo ururiyey misana waxaa laga dhaxli karaa arrimo aad u anfacaya bulshada soomaaliyeed, Xaliimo weydiimo dhowr ah ayaa la su’aalay dhammaan si kalsooni ku jirto ayey uga warcelisay, inkastoo uu Wariye Abdihafid, xeerinayey dareenka walaal xaliima.

Cudurka halista ah ee Kansarka oo dadku badankiis u geeriyoodo koolkuu asiibo ayey ka bogsatay xaliima Taasna waxaa sabab u ahaa Alle ka sakow iyadoon nafteedu isu dhiibin cudurka Kansarka ku dhacay dartiis.

Sida ay xaqiijisay Xaliima waxaa uu kaga dhacay cudurkaas Xubinta taranka wuxuuna sabab u noqday in ugxamihii uu Eebbe ku abuuray ay waydo taas baddalkeedna qaliin ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen looga gollahaa bad-baadinta nafteeda.

Markaad haysatid qoys ku garabtaagan Kuna xiran tahay Allaah (swt) waxba kaama xumaanayaan wuxuu Rabbi kuu qorayna ku seegi mayaan.

Xaliima markii lagu soo sheegay cudurka Kansarka waxay dareentay culeys fara badan waxaana ay ku dhowaatay in ay isu dhiibto cudurkaas balse Eebbe wuxuu sabab uga dhigay walaalkeed ka yar oo hadal laabteeda qaboojiyey ku yiri:

“Walaasheyda qaaliga ah Aabbe wuu dhintay hooyona waa kaligeed, anniga iyo adiga ayaa hooyo masuul ka ah, marka haddaad adiga uruurto oo aad iska dhaadhiciso cudurkaan oo ay dadkaan kuu sheegeen inuu sax yahay iyo inuu been yahay ama aad qalbiga aad iska disho berri ka maalin sidee wax u qabsaneysaa marka? taa waxaa ka wanaagsan inaad Ilaahay isku dhiibto waxaa laga yaabaa inuu Alle ku tijaabinayo samirkaaga intuu le’eg yahay,

Abaayo adigaa masuul naga ah oo hooyo adigaa gacan qabtay oo taa waa laguugu tijaabiyey waad ku baastay ama ku guuleysatay, Tii Rabbi baa hartay marka tanna waa inaad dhexda xirataa oo istaagtaaa iskana daysaa niyad jabka”

Maahan waxaan kuu sheegayo sheeko xariiro la isku maaweeliyo balse waa qiso dhab ah oo ay la kulantay walaal xaliima Abdirizak.

Wadbaa loo dhintaa ee loom dhinto cudur hebel, haddii aad iska dhaadhicisid cudur ku haleelay ayaad Aakhiro ugu hoyan doontaa, ha aaminin waayo taas waa mid go’aankeedu uu Leeyahay Eebbe (swt) geeriduna ay u siman yihiin aadmiga oo dhan.

Beddelka xaliimo iyo dhiirrigelinta uu siiyey walaalkeed ka yar waxay sabab u noqotay in ay nolosheedu lamid noqotay tan dadka caafimaadka qaba ay haystaan.

Hadafkeeda nolosha waa inaysan is dhiibin cudurka lagu sheegay asaageedna feer socotaa, waxay dib ugu laabatay waxbarashadii iyadoo ka hinaastay hablaha aynigeeda ah ee sanad walba jaamacadaha kasoo qalin jebiya, iyaduna heerkii koowaad ee jaamacadda ayey ka qalin badalatay waxayna diyaar u tahay heerka labaad ee jaamacadda inay isu diyaariso.

Xaliima waxay dhakhaatiirta u sheegeen inuu shaybaarku kala saari waayey rag iyo dumar waxay tahay, balse baaris kale oo lagu sameeyey ayaa loogu bidhaanshay inay mataan la ahayd wiil oo uu sidaas usoo saaray in hiddda sidahaagu wato astaamo ragga laga helo.
Ugxanta xaliima haddii ay wayday kama dhigna waa ma dhalays balse waa lagu beeri karaa Ilma galeenkeeda, waxaa ubadka waayi kara qof caafimaad qaba waxaana uu Eebbe siin karaa mid bukaan ah.

Qalinkii: Cabdinaasir Bootaan

Hadalsame Media