Ciidamada Fallaagada Tigreega oo qabsaday caasimadda Maamulka Tigraay ee Maqalla

0

(Maqalla) 28 Juun 2021 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in fallaagada TPLF ay gacanta ku dhigeen magaalada Maqalla ee caasimadda Maamulka Tigraay.

Sida uu qorayo Adis Standard, Ciidamo la magac baxay Ciidanka Difaaca Tigraay (TDF) ayaa qabsaday magaalada Maqalla.

Maamulka ay halkaa u magacowday DF Itoobiya ayaa ku baaqay xabbad joojin, si loo ilaaliyo fasalka beerashada ee socda.

Xaaladda magaalada ayaa haatan aad u kacsan iyadoo aan la ogayn tillaabada xigi doonta ee ay qaadi doonto DF Itoobiya.

Hadalsame Media