Muuqaal cusub oo uu leeyahay Daroonka ”Gaza” ee Iiraan oo walaac cusub abuuray

0

(Tehraan) 27 Juun 2021 – Taliska Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga Iiraan ayaa ku faanay in daroonka Iiraan ee Gaza uu gaari karo masaafo dhan 7,000 km ama in ka badan 4,000 oo mayl, sida uu sheegay Jeneraal Hossein Salami.

Jeneraalku ma aanu bixinin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan muuqaallada kale ee daroonkan cusub, balse wuxuu sheegay in daroonka Iiraan ee Gaza uu yahay midkii ugu masaafo dheeraa taariikhda.

Ciidanka Cirka Iiraan ayaa inta badan ku qalabaysan dayuuradihii dagaalka Maraykanka ee laga iibiyey xilligii Shaahii Iiraan kaasoo la afgembiyey 1979-kii, taasoo ka dhigan in dayuuradahani aanay helin casriyayn iyo dayactir, cunaqabataynta darteed.

Iiraan ayaa sidaa darteed aad diiradda u saaraysa inay adeegsato dayuuradaha is wada ee daroonka, kuwaasoo ay u adeegsatey jabhadda PKK qaybta Iiraan ka dagaallanta ee ku sufan xadka Ciraaq, Luulyo 2019-kii.

Arrintan ayaa walaacinaysa dalalka Iiraan kula xafiiltama Gobolka Bariga Dhexe, maadaama uu tegi karo meelo fog fog.

Hadalsame Media