Shirka DF & Madaxda Maamullada oo lagu soo kordhin karo qodob dili doona isla xisaabtankii doorashada qaranka

0

(Muqdisho) 26 Juun 2021 – Waxaa la filayaa in uu Muqdisho ka dhaco shir ay iskugu imanayaan DF Somalia iyo madaxda Maamul-goboleedyada dalku.

Waxaa shirkaas la filayaa in lagu farageliyo tibxihii Heshiiskii 27-kii Maajo ee lagu dejiyey in dalka doorasho looga qabto muddo 60 maalmood gudohood ah.

Sida ay xogaha hoose sheegayaan waxaa tibxaha lagu wado in wax laga bedelo ka mid ah:

1 – In halkii horay loogu heshiiyey in Maamulkiiba uu 2 magaalo ku kala qabto doorashada, haatan hal magaalo lagu soo koobi doono.

2 – In ergada wax soo xulaysa iyana laga dhigo 51 ergo.

3 – Waxaa labadan qodob oo horay loosii hadal hayey kusoo kordhay; in Madaxda Maamulladu ay iyagu la wareegaan soo xulista xubnaha noqonaya Xildhibaannada Baarlamanka.

Arrintan ayaa ka dhigan in doorashadii qaran ay isu sii bedelayso arrin ay aaya ka talinteeda yeelanayaan dhowr qof oo u badan madaxda Maamullada, iyadoo haddii qodobka 3-aad la isku raaco uu dhumayo doorkii isla xisaabtan ee awalba koobnaa ee ku jirey doorashada dhexe oo ay sideedaba khalad tahay in Maamul-goboleed wax laga waydiiyo.

Hadalsame Media