Laacibiintii Xulka Qaranka Somalia oo ku silicsan Jabuuti (Danjiraha Somalia oo baaq loo diray)

0

(Jabuuti) 26 Juun 2021 – Xilli ay jirtey dood ku saabsan qorshe xumi iyo musuq laga tabanayey xiriirka K/cagta Somalia ayaa waxaa soo baxday arrin kale oo aan fadeexad ka liidan.

Ciyaartoydii matalaysay Xulka Qaranka dalkeenna meteleysey, gaar ahaan kuwii qurbaha ka yimid ayaa iska soo duubay muuqaal laga naxo.

Waxay sheegeen inay ku xayiran yihiin dalka Jabuuti oo uu xiriirka kubadda cagta dalku uu halkaa uga dhuuntay.

Waxaa muuqaalka laga arkayaa laacib lagu magacaabo Sayd oo ku baaqaya in laga bixiyo tigidh rakhiis ah oo ay ku tagaan halkii uu ka yimid hadda oo ah Australia.

Ciyaartoydan ayaa intaa raacisay in looga baxay ballan ahayd in laga dabarayo tigidhada noqoshada ah marka ay kulanka ciyaaraan.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay bahda ciyaaraha, taageerayaasha iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed oo Danjiraha Somalia ee Jabuuti ugu baaqay inuu arrintan wax ka qabto.

Xiriirka ayaa sidoo kale mar kale lagu baaqay in lala xisaabtamo.

Hadalsame Media