(Hadalsame) 26 Juun 2021 – Maanta oo Sabti ah waxay diiraddu mar kale u wareegi doontaa magaalada London oo gegada caalamiga ah ee Wembley Stadium ku martigelin doonta Talyaaniga oo ka mid ah xulalka haatan ugu cad cad hanashada Koobka Qaramada Yurub iyo dhiggiisa Austria.
Labadan dal kulan caalami ah iskuma arag muddo 13 sanadood ah oo waxaa iskugu dambaysey ciyaar is kululays ahayd oo dhacday Agoosto 2008, taasoo 2-2 lagu kala tegey, tiiyoo aan cidna libinta helin.
Waxaa soo gudbinaya Maxamed Xaaji, tifaftiraha Hadalsame Media
Hadalsame Media