Wasiirka Caafimaadka UK oo sawirro laga qaaday isaga oo ku cindan gabar kaaliye u ah (Tuhun jira)

0

(London) 25 Juun 2021 – Wasiirka Caafimaadka UK, Matt Hancock ayaa lagu eedeeyey inuu xiriir gaabsi ah la leeyahay gabar saaxiib dhow u ah isla markaana kaaliye ka ah Wasaaraddiisa.

The Sun ayaa daabacay sawirro muujinaya Md Hancock oo hab siinaya gabadhan oo lagu magacaabo Gina Coladangelo si weliba gaar ah, kuwaasoo la qaaday 6-dii Maajo sida ka muuqata CCTV-ga, waxaa kale oo la arkay labadooda oo meelo kale isku hab siinaya.

Waxaa ka daran in sawirradan lagu qaaay Whitehall Department, iyadoo uu jiro xeerka dhigaya in goobaha shaqada lagu kala fogaado oo aan 2 mitir la isu soo dhaafin, waxaana sawirka la qaaday 2 todobaad kahor intii aan xayiraaddaa la qaadin.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada (DHSC) ayaan arrintan weli ka hadlin, halka Md Hancock laftiisa aan war laga haynin.

Yeelkeede, Ms Coladangelo, oo Md Hancock ay is barteen markii ay wada dhiganayeen Oxford University, ayaa maareeye ka ah shirkad kuwa wax qalqaaliya ah oo la yiraahdo Luther Pendragon, taasoo ka shaqeeysa inay dadka ka caawiso ”arrimaha sharciga la xiriira ee dhibka badan.”

Ha yeeshee, bishii Nofeembar ayaa Ms Coladangelo waxaa shaqo laga siiyey Wasaaradda Caafimaadka iyadoo qaadata ugu yaraan £15,000 sanadkii, taasoo eed badani ka timid maadaama aanay lahayn diiwaan muujinaya inay abid kasoo shaqaysay xafiis dowladeed.

Waxaa kale oo jirta in ay Maareeyaha Warfaafinta u tahay dukaanka Oliver Bonas. Bishii Juun 2020, wuxuu dukaanku kasoo muuqday baloog ay dowladdu leedahay isagoo amaanaya dedaallada dowladda ee ah in handaraabka la furo.

 

Md Hancock, 42-jir, waa nin xaas leh muddo 15 sanadood ah waxaana la yiraahdaa Martha, iyagoo leh 3 carruur ah. Kaaga darane Ms Coladangelo, 43-jir, ayaa iyaduna xaas ah oo 3 carruur ah leh.

Hadalsame Media