MID TIIRSAN & MID KALA TUURAN: Muxuu yahay farqiga ay DP World u kala leeyihiin Dekedaha Berbera & Boosaaso?!

0

(Hadalsame) 25 Juun 2021 – Boosaaso vs Berbera ! Sheekaba sheekaa ku xusuusisee markii maanta xadhigga laga jaray ballaadhintii dekedda Berbera baa waxaa igu soo dhacday tolow dekedda Boosaaso ma beertii ayaan daran baa?

Beerta ayaan daran waxay ku taallaa meel u dhow Boorame una jirta ilaa 4 km. Waxaa magacu ka raacay markii gumaystihii ingiriisku xad beenaadka dhex mariyay oo qaybina uu xabashida siiyay qaybna soomaalia u hartay.

Haatan shirkadda DP World waxay heshiisyo la gashay Puntland iyo Somaliland in ay ballaadhiso labada dekadood oo u samayso adeeg casri ah. Muddada waagaas naloo sheegay waxay ahayd in 3 sano gudahood mashruuca dekedda Boosaaso ku dhammaanayo. Madaxweynihii hore ee Puntland wuxuu yidhi waa la inoo il duufay.

Hase yeeshee way caddayd inaan la inoo il duufin. Waayo heshiis lagu sheegay waa kii lala galay DP World waxaa baarlamaanku ku gudbiyay lacag 2 malyan ka badan. Way muuqatay in wax weyni khakdanaayeen.

Mar koox gancsato ahi saluugeen sida wax u socdeen waxaa soo if baxay in 2 nuskho oo heeshiiska dekadda ah la kala haystay. Tii loo akhriyay ganacsatada iyo tii Paul oo markaa dekedda maamulayay uu la shir yimid.

Waxaa la filayay in markii maamulkii madaxweyne Gaas meesha ka baxay oo Deni loo doortay madax weynaha in wax uun la dhaqaajinayo. Lamase hayo ilaa haatan.

Mar baa la sheegay muddo hawshu ku bilaabanayso wayse ribatay oo ma rumoobin. Mar kale madaxweynuhu wuxuu baarlamaanka way diistay in hawsha dekedda isaga loo daayo. Ma aqaan inay ku eg tahay muddo xileedkiisa iyo inay ka soo hor marayso.

Waqtigaa dheer dekedda wax ka nuqsaama mooyee wax uma soo kordhin. Ciid baaba buuxisay oo maraakiib daayo doonyihii ay ku adkaatay inay ku soo xirtaan.

Fili maayo in ay maaweelo tahay ama sheekadii kun habeen iyo habeen (alfu laylah wa laylah).

Maxaa keenay in dekedda Berberana siraadanto ta Boosaasana dento oo sii shiiqdo.
Ma DP World baa ina kala jecel innaga iyo soomaalilaan? Ma madaxdaa la is dheer yahaa sidii kooxdii Heegan ku heesi jirtay:

“Dadku waa maqashii Aadan oo Xaawo naaska nuujisee. Waysku maskax isku muunad isku muruqee madaxdaa lays dheer yahay maamulaysa hawlahee.”

Ma saamiga xabashida Barbara looga qoondeeyay baa keenay in Barbara nuurto Boosaaana bakhtiinsanaato?!

Ma heshiiskeennii baa iib ahaa oo kooda ka duwanaa?. Innagu ma boos xajis baan nahay? Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday.

W/Q: Aadan Shiikhdoon

Hadalsame Media